Xeer-ilaaliyaha Dowladda Somaliya oo Eedayn u Jeediyay maamulka gobolka Banaadir

Axad, September 06, 2015 (Daljir) —Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa Sharci Darro Ku Eedeeyay Seddax Hay’adood oo ka Tirsan dowladda federaalka soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in cadaalad darro ay ku dhaqmaan Maamulka Gobolka Banaadir, Boliiska, Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta.

“Xafiis Walba Sidii Sharciga ahaa waa uu ka baxay, sharciyo cusub oo jaabkooda ayay kusoo darsadeen xitaa mararka qaar awood ayay ku dhaqmaan, Gobolka Banaadir Awoodiisa Waxaa ay aheyd in uu Wax kala Cadeeyo, Boliiska Sida ay doonaan ay fulinta u sameeyaan, Maxkamadihii Tobban Fulin oo kala duwan ayay Sameeyaan xitaa xukuno isburinaya ayaa ku jira,  Xeer ilaalinta Nafteeda siyaabo khaldan ayay dhexgal u sameeyaan Wax aanan sharci aheyn ayayna fulinayaan Dhamaan Hay’adda ha ayaa ka talaabaya Xadkii loogu tala galay” Sidaasi Waxaa Yiri Axmed Cali Dahir

Dhana kale Xeer Ilaaliyaha Qaranka waxaa uu sheegay in Xafiiskiisa uusan ogolaaneyn Arimaha la xeriira ku xadgudubka sharciga dalka.

Sidoo kale waxaaa uu tilmaamay in Arimahaan ay soo faragalin doonto xukuumadda oo kulamo uu sameynayo Ra’iisul Wasaaraha la qaban doono.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com