Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Maanta kormeeray Cisbitaalka Guud ee Gaalkacyo

Sabti, Ogoosto 15, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-8-2015 kormeeray Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, xaruntii hore ee maamulka Gobalka iyo Garoonka diyaaradaha Magaalda Gaalkacayo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport .

Kormeerkii Madaxweynaha DPL uu saaka kusoo kalabixiyey  qaybo badan oo kamida Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kormeerkiisaasi ku wehliyey Wasiiro , maamulka Gobalka Mudug, maamulka Degmada Gaalkacyo , Saraakiil ciidan, masuuliyiin iyo saraakil katirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli M. Cali Gaas ayaa kormeerkiisi indhadhaynta ahaa waxaa uu ka bilaabay cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu dhammaan soo maray qeybaha uu cisbtaalku ka koobanyahay, isla mar’ahaantaana uu si wadajira ulahadlay  maamulka iyo shaqaalaha isagoona Madaxweynuhu  ku booriyey in ay laba jibaaran adeega wanaagsan ee ay bulshada reer Puntland u hayaan.

Intaas kadib ayaa Madaxweyne Gaas iyo masuuliyiintii la socotay waxaa ay socod dheer kusoo mareen laamiga weyn ee magaalada Gaalkacyo, iyagoona halkaasi ugasii gudbay xaruntii hore ee maamulka Gobalka Mudug.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa kormeerkiisii maanta uu soo maray qaybo badan oo ka mid ah Magaalo madaxda Gobolka Mudug ee Gaalkacayo waxaa uu ku soo gebagebeeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport.

Kadib markii uu Madaxweynuhu soo gaadhay Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa uu gebi’ahaanba soo kormeeray  xafiisyada iyo qaybaha kaladuwan ee Garoonku ka koobanyahay, isagoona warbixin ka dhageystay maamulka Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf.

Hadal kooban oo uu madaxweynuhu u jeediyey masuuliyiinta gacanta ku haysa maamulka Cabdillaahi Yusuf Airport ayaa waxaa uu u dhignaa sidan:- ‘’ Dayactirkiisa iyo adkeynta amaankiisa ayaa laydinka rabaa inaad xooga saartaan , aad ayaana ugu mahadsantihiin howsha adage ee aad haysaan waana ku amaanan tihiin ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxynaha ayaa sii wadidoona kormeerka iyo inda indhaynta uu ku kala bixinayo xarumaha Dawladda ee ku yaala guud ahaan Gobalka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com