Musharaxiintii la tartamayay Madaxweynaha Jubbaland oo Aqbalay natiijada Doorashada

Sabti, Ogoosto 15, 2015 (Daljir) —Sedexdii musharax ee la tartamayay Axmed Maxamed Islaam oo ku guleystey doorashada Jubbaland ayaa u hambalyeey madaxweynaha cusub.

Cusmaan Feeyruus oo ugu hor hadlay ayaa sheegey in uu qirayo in si xaq ah lagaga guuleysto doorashada Jubbaland, uuna u hambalyeeynayo madaxweynaha cusub, isaga oo balanqaaday in uu la shaqeyn doono.

Hiloowle Maxamed Aadan oo isna hadlay ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay waxa meesha ka dhacay, isaga u rajeeyey qeyr. Madaxweynaha Jubbaland ayaa helay codad dhan 68- ka dib tartan aan waqti badan qaadan oo uu la galay mushaaxiinta.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com