Madaxweynaha Burundi oo u jawaabay Al-shabaab

Axad, May 17, 2015 (Daljir) — Madaxweyne Pierre Nikuruziza oo dhawaan ka badbaaday Afgembi lagala wareegi lahaa Talada dalkaasi  ayaa maanta ka hadlay Muuqaalkii Video-ga ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku sheegeen inay weerari doonaan dalalka Uganda iyo Burundi oo ay Ciiddamo ka joogaan gudaha dalka Somalia.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee magaalladda Bujunbuura, waana markii ugu horreysay ee Madaxweyne Pierre ka soo muuqdo meel fagaare ah tan iyo markii u uka badbaaday afgembigii toddobaadkii hore.

Madaxweynaha waxa uu hadal kooban siiyey Suxufiyiinta, isagoo aan soo hadal qaadin xiisadda Siyaasadeed ee dalkiisa.

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nikuruziza waxa keliya oo uu ka hadlay hadalkii digniinta ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku sheegeen inay weerari doonaan dalka Burundi iyo dalalka kale ee  ciiddamadda ku biiriyey Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM.

“Waxaan qaadnay tallaabooyin looga hortagayo Alshabaab, waxaana si dhab ah u qaadanay digniinta” ayuu yiri Pierre Nikuruziza oo ay ku furan yihiin shaqaaqooyinka siyaasadeed.

B y: Maxamed Xalliye 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0