Madaxweyne Gaas iyo Safiirka Dowladda Yemen e Somaliya oo kawada hadlay xaaladda Qaxootiga Yemen

Axad, May 17, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay  taariikhdy tahay 17-5-2015 xafiiskiisa Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani.

Kullan gaar ah oo uu Madaxweynuhu la qaatay Safiirka ayaa waxaa uu uga warbixiyey dadaalka ay dawladda Puntland ugu jirto soo dhaweynta iyo dejinta qaxtootiga ka imaanaya dalka Yemen oo ay ka socdaan dagaalo.

Waxaa uu sidookale Madaxweynuhu sheegay in dawladda Puntland dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii loogu gurman lahaa dadka ka soo qaxaya dagaalada Yemen islamarkaana ay jiraan gudiyo u xilsaaran u gurmadida walaalaheena Yemen ee dhibaataysan.

Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani ayaa isna dhankiisa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas iyo dhammaan shacabka reer Puntland uga mahadceliyey sida ay ugu gurmadeen walaalahooda ay dhibaatadu ku habsatay.

Dawladda Puntland iyo shacabkeeda ayuuna ku amaanay sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Dawladda Yemen iyo shacabkeeda oo hada galay marxalad dagaal, isagoona qiray inaysan marnaba maankooda ka baxeyn walaalooda Puntland.

Imaanshaha Safiirka ee Puntland ayaa ku soo aadaysa xili ay si xawli ah ku soconayaan qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen ee soo gaaraya gudaha Puntland, kuwaasi oo ay dawladda iyo shacabka reer Puntland u fidiyen gurmad deg deg ah.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com