Madaxwaynaha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dastuurka

HomeWararka

Madaxwaynaha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dastuurka

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shir guddoomiyay kulan kadhacay magaalada Muqdisho oo looga hadlayay dib

Gudigii Kiskii Cabdikareem Qalbi Dhagax oo Ka Hadlay Halkay Wax u Marayaan
Dowladda Federaalka oo loogu baaqay inay degdeg ugu gurmato Ardayda ku go’doonsan Shiinaha
Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray degmadda Xudur

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shir guddoomiyay kulan kadhacay magaalada Muqdisho oo looga hadlayay dib u eegista dastuurka.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Cabdi xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh, iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Dastuurka Qaran iyo kan madaxa banaan.

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku booriyay hay’adaha ay qusayso arrimaha dastuurka inay dedejiyaan dib eegista dastuurka, shacabkuna ay afti ka qaadaan kahor inta aan la gaarin 2018.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: