Madaxda Galmudug oo isku khilaafsan arimaha Khaliijka

HomeWararka

Madaxda Galmudug oo isku khilaafsan arimaha Khaliijka

Waxaa soo baxaya khilaaf hor leh oo kasoo dhex cusboonaaday masuuliyiinta sare ee maamulka Galmudug. Khilaafka ayaa yimid kadib markii warsaxaafade

Caawa & Daljir iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Haylaan
XULASHADA DALJIR | AYAANLE CABDULAAHI JAAMAC | GAALKACYO 16-MARCH-2022

Waxaa soo baxaya khilaaf hor leh oo kasoo dhex cusboonaaday masuuliyiinta sare ee maamulka Galmudug.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii warsaxaafadeed uu soo saaray madaxwaynaha Galmudug lagu taageeray isbahaysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee xayiraadda kusoo rogay dowladda Qadar, waxaana go’ aankaasi siwayn uga horyimid kusimaha madaxwaynaha Galmudug iyo guddoonka baarlamaanka Galmudug.

Shir jarai’id oo ay siwadajir ah maanta ugu qabteen magaalada Cadaado kusimaha madaxwaynaha Galmudug Maxamed Xaashi Carabay iyo guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa lagu sheegay Galmudug inay taageersanyihiin mowqifkii dhexdhexaadka ahaa ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka.

Kusimaha madaxwaynaha ahna madaxwayne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay go’aanka uu qaatay madaxwaynaha Galmudug inuu yahay mid isaga u gaar ah oo uu kala tashan hogaanka Galmudug, waxaana uu intaasi ku daray inay kasoo horjeedaan mowqifkaasi oo ay taageersanyihiin kaalinta dhexdhexaadnimo ee dowladda dhexe ee dalka ka qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: