Madax ka socda Hay?adaha gargaarka Qaramada midoobey oo maanta booqday Jowhar

Jowhar, December 3, 2013 – Degmada Jowhar ee xaruunta gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa booqday goor dhowayd oo maanta ah wefdi ka socda Qaramada midoobey oo uu horkacayo isu-dawaha arrimaha bini?adanimo.

Xubnaha uu horkacayo isu-duwe Philippe Lazzarini ayaa kormeeraya baragkacayaasha jooga meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Jowhar, kuwaas oo saamayn adag ay ku reebtay fatahaadii webiga.

Sidoo kale wefdiga ka socda hay?addaha qaramada midoobey ayaa waxay booqanayaan xaruunta hooyada iyo dhalaanka ee isla goobtaas baragkacayaasha ku taala.

Wefdiga ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu qiimeeyo khasaraha uu webigu u gaysatay beeralayda.

Philippe Lazzarini ayaa horkacaya wefdiga oo ka koooban xubno ka kala socda Hay?adaha UNICEF, UNHCR, UNDP iyo UN-OCHA, kuwaas oo dhamaantood u kuur-gelaya xaalada fatahadaada iyo saamaynta uu reebay.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com