
Port Victoria, December 3, 2013 – Hay?addaha amniga ee Jasiirada Seychelles ayaa la wareegay sagaal dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo qabtay falal burcad-badeednimo, xili ay weerareen Markab xamuul oo marayey xeebaha ku dhow Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay booliska Seychelles ayaa shaaciyey in ay oggolaadeen in ay maxkamad saaraan sagaal dhalinyaro Soomaali ah oo ku eedaysan Burcad-badeednimo.
Ragga lagu wareejiyey Jasiirada Seychelles ayaa waxay dhowaan weerar ku qaadeen Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Denmark, balse waxaa badbaada Markabkaas ka qayb qaatay gaadiidka dagaalka kula jira Burcad-badeeda ee jooga xeebaha gobolka.
Markabka Burcad-badeedu weerartay ee la badbaadiyey ayaa la yiraahdaa Torm Kansas.
Seychelles waxay sheegtay in raggan lagu tuhusan yahay inay sidoo kale bishii November weerar ku qaadeen markab uu ka bab-banayey calanka Hong Kong, in kastoo ay iska cabin kala kulmeen illaalo hubaysan oo Markabka saarnaa.
Britain ayaa bishii October ka digtay inay awood yeeshaan Burcad-badeeda oo dhowr isku day sameeyey bilihii ugu dambeeyey, weeraradda Burcad badeeda ee ka dhici jiray xeebaha Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadkii ugu dambeeyey, kadib dagaal awood badan oo kooxda lala galay.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN