MAANHADAL: Guddiga wadahadalada DFS iyo maamulka Somaliland ma horseedi doonaa isfaham? (dhegayso)

MAANHADAL: Guddiga wadahadalada DFS iyo maamulka Somaliland ma horseedi doonaa isfaham? (dhegayso)

Barnaamijka MAANHADAL iyo maanta waxaan ku fallaanqayneynaa wadahadalada uu Madaxweyne Farmaajo iclaamiyey ee Dowladda Federaalka Somaaliya ay la geli doonto Maamulka Somaliland iyo guddiga uu Madaxweynuhu magacaabay in ay wadahadalkaas hagaan. Haddaba Guddigu ma horseedi doonaa wadahal mirodhal ah?

Laakiin marka hore taariikh kooban oo ku saabsan xornimada Soomaaliya:

1. Somaliland marnaba ma ay noqon dal madaxbannaan ama jamhuuriyad, mana jirin wax ka badan in Ingiriisku oggolaaday inuu ka baxo waqooyiga dalka Soomaaliya

2. Somaliland majirin calan ay lahayd oo la taagey 1960 ee calanka buluugga ah ee Cawaale allifay 1954 oo Xamar laga taagay ayaa asna Hargeysa laga mudey

3. Somaliland ma ay jirto cid aqoonsatay xilligaas, xataa Ingiriiskii dalka gumaysanayey meela kuma uu cadayn in uu xornimo siiyey dowlad la yiraahdo Somaliland

4. QM waxay 1 July 1960 aqoonsatay Jamhuuriyada Soomaaliya oo Xamar caasimad u tahay

Haddana waa MAANHADAL iyo wariye Ahmed Shiikh Maxamed Tallman oo barnaamijka inoo ka daadihinaya xarunta Daljir Garoowe.

Hoos kaga bogo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com