Ciidamada ammaanka ee Bosaso oo siwayn u adkeeyey ammaanka Bosaso

Ciidamada ammaanka ee Bosaso oo siwayn u adkeeyey ammaanka Bosaso

Ciidamada ammaanka ee magaalada Bosaso ayaa la dhigay waddooyinka waawayn ee magaalada Bosaso maanta oo Jimce kuwaasi oo la soconaya dhaqdhaqaaqyada waddooyinka Bosaso, wararka ayaa sheegaya ciidamadan inay ka hortagagayaan dibadbaxyo laga cabsi qabo inuu ka dhasho xarigga xubno ka mid ah guddigii dhismaha wadada bartamaha ee Bosaso.

Laamaha amniga ee gobolka Bari ayaa maalinimadii shalay xabsiga dhigay xubno ka mid ah guddiga dhismaha waddada bartmaha ee Bosaso, kaddib deeq lacageed oo dhan boqol iyo konton kun oo doolar oo ay dowladda faderaalka u soo dirtay, si waddada loogu dhamaystiro, waxaana lacagta loogu soo diray mid ka mid ah shirkadhaa xawilaadaha ee magaalada Bosaso.

  1. Xubnahan wali xabsiga ku jira ayaa kala ah
  2. Nabadoon mohamed ibrahim xaaji faarax
  3. Eng Maxamuud Maxamed Xuseen (Eng maalfo)
  4. Shiikh Mohamed Faahiye

Dowladda Puntland iyo dowladda dhexe ee faderaalka ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyaa, waxaana horay Puntland ay u dhaliishay booqashadii Raysal Wasaare Khayre ee  magaalada Gaalkacyo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com