Maamulka Koonfur Galbeed oo taageeray isbahaysiga Sacuudiga

Maamulka Koonfur Galbeed oo taageeray isbahaysiga Sacuudiga

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa taageeray isbahaysiga Sacuudi Carabiya khilaafka ka dhaxeeya wadamada Khaliijka iyo dowladda Qadar.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada khaliijka in aan laga tixgelin, isla markaana lagala tashan.

Warkan oo kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay Imaaraatka Carabta inuu gargaar banii’aadantinimo uu ka fuliyay Soomaaliya xilli dhibaatooyin adag ay jireen sida dhinacyada caafimaadka iyo howlaha kalle ee gargaarka.

Dhanka kalle, dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay qoraalkan inuu xiriir taariikhi iyo mid Islaanimo uu kala dhaxeeyay Soomaaliya muddo dheer.

Maamulada Puntland, Somaliland iyo Hirshabelle ayaa horay sidaan oo kalle u taageeray isbahaysiga Sacuudiga go’doonka ay kusoo rogeen dowladda Qadar, balse dastuurka Soomaaliya ayaa dhigaya siyaasadda arimaha dibadda inay ka mid tahay waajibaadka dowladda dhexe saaran.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com