HomeUncategorized

Maamuladda Galguduud qeybtood oo cabasho ka muujiyey in aan laga qeyb gelin talooyinka New Deal

Dhuusa-mareeb, Aug 1, 2013 - Magaalada Dhuusa-mareeb ee xaruunta gobolka Galguduud waxaa ka dhacay shir ay yeesheen maamulka dowlada ee halkaas, waxgaradka, iyo ururrada bulshada qeybahooda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo si Adag u Cambaareeyay Dilkii Xildhibaan Aadan Xaaji
Maamulka gobolka Mudug oo sheegay in ay heer gaba-gabaa ay marayso qorshayaal dhisme gole-deegaan loogu dhisayo Gaalkacyo.
Xuska Maalinta ciidanka xoogga dalka oo ka socoto Mqudisho iyo Gobolada dalka

Dhuusa-mareeb, Aug 1, 2013 – Magaalada Dhuusa-mareeb ee xaruunta gobolka Galguduud waxaa ka dhacay shir ay yeesheen maamulka dowlada ee halkaas, waxgaradka, iyo ururrada bulshada qeybahooda kala duwan.

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlayey qorshaha dowladda federaalka ah ee ku aadan gobolka Galguduud iyo doorka qorshaha New Deal, kaasi oo aan fikir aruurintiisa lagu darin gobolkaasi.

Gudoomiyaha degmada Dhuusa-mareeb macalin Cabdiraxmaan Cali oo war-baahinta la hadlay shirka kadib wuxuu sheegay in ay ka xun yihiin in aan lagu darin meelaha laga fulinayo fikir aruurinta iyo baahida shacabka.

Wuxuu sheegay in aysan jirin sababo amni oo la xiriira arintaasi oo looga weeciyo gobolka Galgaduud, mudane Cali wuxuu intaas ku daray in ay rajo fiican ka leeyihiin mar kale in guddigu uu yimaado gobolka oo wax ka qoro xaalada guud ee jirta ka hor shirka Brussels.

Nabadoon cilmi Xirsi Carab Carab oo ka mid ah ah waxgaradka gobolka ayaa sheegaya in ay xubno ka tirsan wefdiga ay tageen Cadaado iyo Balan-bale balsey aysan booqan Dhuusa-mareeb iyo Guriceel isla markaasna ay arintaasi tahay mid lala yaabo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: