Ciidamada amaanka Beledweyne oo bilaabay howgal lagu raadinayo dadkii dilay Afhayeenkii Isimada

Beled-weyne, Aug 1, 2013 – Laamaha amaanka dowladda federaalka ah ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay baaritaano, lagu? baadi goobayo raggii dilay Xog-hayihii odoyaasha dhaqanka gobolkaas Xuseen Cilmi Ibraahim.

Taliyaha booliska ee degmada Beledweyne Cali dhuux mahad oo la hadlay war-baahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay baaritaanadu socdaan, isla markaasna ay ku raad joogaan kooxihii dilay Afhayeenka.

Cali dhuux wuxuu sheegay in Afhayeenka ay ku dileen xaafada Howl-wadaag kooxo hubaysan, xili uu ku sii jeeday gurrigiisa afurkii ka hor, waxaana taliyuhu intaas ku daray in ay baaritaanada sii wadi doonaan.

Saraakiisha amaanka ee Beled-weyne waxay tilmaameen in kooxaha dilka geystay ay yihiin kuwa doonaya bur burinta rajada shacabka Hiiraan, isla markaasna khal-khal gelinaya amaanka gobolka iyo kan degmada intaba.

Ciidamada amaanka gobolka Hiiraan iyo kuwa degmada Beled-weyne ayaa heegan la geliyey iyagoo sii wadi doona baaritaanada, wuxuunta intaas ku daray in ay ka feejignaan doonaan dilalka qorsheysan ee dadka madaxda ah lala eegto.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com