Ma Xiriir Cusub & Waa Cusub Mise?: 114 Maxbuus Soomaali ah oo Itoobiya ku Xirnaa baa Muqdisho ka soo Degay (dhegayso)

Ma Xiriir Cusub & Waa Cusub Mise?: 114 Maxbuus Soomaali ah oo Itoobiya ku Xirnaa baa Muqdisho ka soo Degay (dhegayso)

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho goor dhawayd waxaa laga soo dajiyay 114 maxbuus oo Soomaaliyeed oo muddo sannado ah ku xirnaa dalka Itoobiya.

RW Xasan Cali Kheyre oo dhawaan safar ku tagey dalka Itoobiya ayaa wadahadal dheer iyo is afgarad dhaxmaray labada dowladood ku guuulaystay in maxaabiistan la soo daayo.

Maxaabiista ayaa ku xukunaa xabsiyo kala duwan waxaana u badnaa maxaabiis ku xirnayd dalka itoobiya muddo ka badan 20 sano. Siidaynta maxaabiista ayaa waxaa qayblaxaadle ka qaatay Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Madaxweyne Cabdi Maxamed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Kamaaludiin oo ugu horeen madasha ka hadlaya ayaa sheegay in siidaynta maxaabiistan ay ku timid xiriirka wanaagsan ee ay hadda labada dal leeyihiin. Wuxuuna yiri:

Kaddib waxaa madasha ka hadlay qaar kamid aha xildhibaanada golaha shacabka iyo lataliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha:

Xildhibaanada

Xildhibaano kale

 

 

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com