Amniga iyo Sirdoonka DFS: “Ciddii Lacag Baad ama Taakuleyn ah Siisa Alshabaab waa Danbiile Hantidoodana waa lala Wareegayaa (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Amniga iyo Sirdoonka DFS: “Ciddii Lacag Baad ama Taakuleyn ah Siisa Alshabaab waa Danbiile Hantidoodana waa lala Wareegayaa (dhegayso)

DF Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir adag oo lagu soorogay ganacsatada iyo dadka lacagaha siiya Al-shabaab, sida ganacsatada, siyaasiyiinta ama qar

Laascaanood maanta bil kaddib dagaalkii Dhuuma-badane
STIMSOM: Ashabaab Yuraaniyam ay Iran ka Iibiso ma Qodi Kadho
Baarlamanka Puntland oo soo saaray go’aamo cusub oo ku saabsan Tukaraq (Dawo)

DF Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir adag oo lagu soorogay ganacsatada iyo dadka lacagaha siiya Al-shabaab, sida ganacsatada, siyaasiyiinta ama qarinta iyo taageeridda IWM waa la joojiyay, waana danbi Qaran cidii lagu helo noqonaya dambiile.

Shirkan jaraa’id oo si wadajir ah ay xalay u qabteen Wasiirka Amniga Gudaha DFS , Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo taliyayaasha nabad sugidda.

Taliyaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska DFS, Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacid, ayaa sheegay in ciddii awaamiirtan jabisa in ay sharcigaan tallaabo adag laga qaadi doona

Go’aamada DFS waa 8 qodob oo ah sida hoose:

  1. In aan la aqbali doonin in lacago la siiyo Alshabaab taasi oo ay ugu yeeraan ah taakuleyn iyo sakawaad bixin
  2. Cid kasta oo Alshabaab lacag siiso in talaabo laga qaadi doono, lamana aqbalayo in marmarsiyo laga dhigto handadaad
  3. Ganacsatada waxaa looga digayaa in ay taageeraan Alshabaab oo ay lacago siyaan
  4. Ciddii Alshabaab u aqoonsata maamul jira talaabo sharciga waafaqsan ayaa ayagana laga qaadi doono
  5. Xawaaladaha dalka ka jira Alshabaab  lacag uma keydin karaan, lacagna uma diri karaan
  6. Shirkadaha xawaaladuhu uma fududeyn karaan adeegyada kala duwan sida isgaarsiinta
  7. Caawa laga bilaabo ninkii ganacsade ah oo aado deegaano Alshabaab maamulaan sida Toora Toorow iyo deegaano kale lacagna u geeya Alshabaab waa danbiile, waana la xirayaa, hantidiisana DFS ayaa la wareegayaa
  8. Cid kasta oo go’aamadan ka hortimaada talaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, cid looga aaba yeelayaana ma ay jiri doonto

Wasiirka Amniga DFS

Taliyaha NISA

Taliyaha Booliska DFS

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: