STIMSOM: Ashabaab Yuraaniyam ay Iran ka Iibiso ma Qodi Kadho

STIMSOM: Ashabaab Yuraaniyam ay Iran ka Iibiso ma Qodi Kadho

Warbixin ay qortay Xarunta Cilmibaarista ee STIMSOM ayaa si adag u qaadacday warqad uu Wasiir Yuusuf Garaad u qoray Safiir Stephen Schwartz, Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya.

Sidii aan hore ula qaybsanay akhristayaasha iyo dhegaystayaasha Radio Daljir, Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu matalayo Wasiir Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa biloowgii bishii la soo dhaafay ee 11 Agoosto 2017, u qoray Safiir Stephen Schwartz, safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, warqad  codsi caawino gacan milatari iyo mid sirdoon oo degdeg ah.

Wasiir Yuusuf ayaa yiri “Alshabaab iyo Daacish waxay hadda la wareegeen dhul ballaaran oo ku yaal bartamaha Soomaaliya.” Wasiirka oo qoraalkiisa sii wata waxa uu Safiir Stephen Schwartz u qoray “xaalka dalku sidii hore hadda waa ka duwanyahay, mana aha mid ku koobnaan doona xudduudaha dalkayagan soo kabanaya. Xaalka maanta Soomaaliya waa mid hal erey oo kaliya lagu soo koobi karo: Yuraaniyam.”

Hadaba Jimcihii la soo dhaafay ee 8 Siteebar 2018, Xarunta STIMSOM ayaa qortay xaqiiqo aan cidna ku cusbayn, taas oo ah in “dalka Soomaaliya uusan lahayn boholo Yuraaniyamka laga qodo, aysana hadda jirin cid ku hawlan boholo Yuraaniyam oo dalka isla hadda laga hawlgaliyo.” Xarunta ayaa intaas sii raacisay, “dalka Soomaaliya Yuraaniyamka la baaray in uu ku jiro waa mid aad u yar, waana mid aad qaali u ah in la qoto, oo hadana la soo saaro, ahna xaqiiqo ku salaysan baaritaan  la sameeyey sanadihii 1960 illaa 1970. ”

Abuukar Armaan, qoraa sare, ahna diblomaasi hore iyo bulsho-u-adeege falaanqeeya siyaasadda adduunka iyo diinta, oo aan horay wax uga weydiinay dalabka Yuusuf Garaad, ayaa yiri, “warqaddu waxa ay ka tarjumeysaa fiiro-gaabnaanta iyo garaad-xumida xukuumadda Farmaajo iyo Kheyre haysata. Dalabkan ma aha mid uu Wasiir Yuusuf Garaad iskiis isaga sameeyey ee waa mid Reer Talo Xume ama hoggaankeena ay ka wada simanyihiin. Waa been toban-jirsatay oo aan waxba ka jirin. Toban sano kahor ayaan isla beentaan ka qoray maqaal cinwaankiisu ahaa ‘The Making of Another Iraq’ warqadda Yuusufna isla taas uun bay maanta mar kale ka tarjumaysaa. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre waa in ay shacabka u naxariistaan. Baarlamaanku asna waa in uu la xisaabtamaa xukuumadda.”

Xarunta STIMSOM ayaa ayana qortay hadal muhiimaddiisu tahay kan Abuukar Arman oo kale, ayada oo leh “warqadda Wasiir Yuusuf Garaad uu qoray ee uu ku sheegayo in xoogagga Alshabaab ay maamulka Galmudug kala wareegeen dhul ballaaran oo qani ku ah macdanta Yuraaniyamka (Uranium deposits), ahna dhul macdantu ay dhulka dushiisa iska dhoodhoobantahay oo gacmaha la isaga guran karo, waa mid aan xaqiiqada ku salaysneyn, maxaa yeelay waa mar e, waa in Alshabaab ay leedahay hammi ah in ay boholaha dhulka hoostiisa qodato, waa marka labaad e, waa in ay leeyihiin aqoon, oo ay haystaan qalabka waaweyn ee boholo-qodayaasha, sida gawaarida, cagafyada, dhagax jajabiyayaasha, dhagax kala miirayaasha, daawada kala shubka iyo tan kala sooca, deedna ay ka dhigaan wax kooban oo rasmi ah oo la dhoofin karo. Sidaas darteed maanta ma jiro koox xagjir ah oo leh aqoontaas iyo awooddaas toona.”

Haddii si kale loo yiraahdo, warqadda wasiir Yuusuf Garaad, sida uu Aburkar Arman kal hore uu Radio Daljir ula qaybsaday, waxay ka tarjumaysaa “fiiro-gaabnaanta iyo garaad-xumida xukuumadda Farmaajo iyo Kheyre haysata.”

Mar kale Xarunta STIMSON ayaa qortay, “ugu danbayn warqaddu waa mid malaawaal iyo wax aan jirin ku salaysan, maxaa yeelay xataa haddii Alshabaab ay leedahay awood ay Yuraaniyam kula soo baxdo oo boholo dhaadheer ku qodoto, Iran waa dal saxiixay heshiiskii JCPOA ee ay wada gaareen Iran Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Ingiriiska iyo Jarmalka iyo Midowga Yurub, waana mid lala socdo wax kasta oo ku saabsan awoodda nukliyeerka ee dowladda Iran.”

Intaas kaliya ma aha e, Xarunta STIMSOM waxay ku dartay, “xataa haddii ay Iran rabto in ay hesho Yuraaniyam, waa mid si xor ah loo iibsan karo ayada oo la raacayo heshiiska JCPOA, ahna mid Qaramada Midoobay ay raalli ka tahay.”

Xarunta STIMSOM ayaa qoraalka ku soo gabagabaysay, “arrinku waa mid dhadhan hore leh, oo waa mid u eg kii Maraykanka iyo Ingriisku ay ku xalaalaysteen weerarkii George Bush iyo Tony Blair ay abaabuleen ee ku salaysnaa Yuraaniyam ama baqdin laga qabo Ciraaq oo Yuraaniyam hesha, sababayna duullaankii Ciraaq sannadkii 2003. Duullaankaas iyo fikirka loo adeegsaday ayaa markii danbe la isla qiray in uu ahaa mid xaqiiqada ka fog, oo xataa markii danbe, afar bilood gudahood weerarkii Ciraaq kabacdi, uu Maraykanku beeniyey in Ciraaq ay heshay ama haysatay Yuraaniyam.”

Siyaasiyiinta Soomaalida ee fallaanqeeya siyaasadda Soomaaliya ee waayahaan ayaa ayana warqadda Yuusuf Garaad u arka hadday ugu roontahay “anfac iyo hiil raadis,” haddii kalena “garaad-xumi iyo aqoon yaraan siyaasadda maanta ee dunida cusub.”

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Abuukar Arman: “Dalabkan ma aha mid uu Wasiir Yuusuf Garaad Iskiis Isaga Sameeyey ee waa Mid Reer Talo Xume ama Hoggaankeena ay ka Wada Simanyihiin”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com