Ma la heli karaa jaangooyo Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada GAALKACYO lagula xisaabtamo?

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Ma la heli karaa jaangooyo Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada GAALKACYO lagula xisaabtamo?

Haddii ay jaangoyntaas waqti cayiman ku guulaysan waayana ay ku waayi karaan shaqada loo igmaday? Su'aasha kore waxaa nagu dhaliyey xujo ka dhalata

Sahra Noor: Daryeelka hooyada, dhallaanka iyo caafimaadka guud (dhegayso)
Maxkamadda Darajada 1aad – Taliye Muxyaddiin: “Cumar Dheere Danbi loo Haysto ma Ogi mana Jiro” (dhegayso)
Gaas oo ku hungoobay damaciisii Puntland kuna laabanaya Xamar

Haddii ay jaangoyntaas waqti cayiman ku guulaysan waayana ay ku waayi karaan shaqada loo igmaday?

Su’aasha kore waxaa nagu dhaliyey xujo ka dhalatay dillaaca iyo faafka cudurka ‘Coronavirus’ xujadaas oo Hoggaanka Xisbiga Komunistaha Shiinuhu uu hordhigay maamulka gobolada iyo degmooyinka dalka Shiinaha.

Xujooyinka waxaa ka mid ah in maamulka gobolada iyo kan degmooyinku gaaraan, kuna guulaystaan joongooyooyinka hoose:

1. In gobolka iyo degmada ay xukumaan aan laga helin kiis danbe oo cusub oo Coronavirus
2. In sidii loo qoondeeyey dhaqaalaha dalka uu gobolku gaaro kuna guulaysto qaybta kobaca dhaqaale ee gobolka loo jaangooyey dillaaca Coronavirus kahor

Gobolkii aan gaarin jaangoynta Xisbigu qoondeeyey waxaa madaxdiisa lala tiigsanayaa xisaabtan ay shaqada ku waayi karaan, xabsina ku mutaysan karaan.

Maanta ma aan lihin ha lala tartamo Shiinaha, mana awoodno tartankaas, laakiin mid waa awoodnaa oo maamulka gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo waa la awoodaa in lala xisaabtamo, waxaana la hordhigi karaa xisaabtan ay kamidyihiin:

1. Saldhig Boolis oo CUSUB oo degmada loo dhiso sannadka 2020, ahna SALDHIG laga xukumo dhammaan saldhigyada degmada Gaalkacyo, ahna saldhig tayo ahaan lamid ah oo aan waxba ka duwaneyn SALDHIGGA BOOLISKA BARTAMAHA ee magaalada Bossaso
2. In la dayactiro dhammaan Saldhiyada Booliska Degmada Gaalkacyo, Saldhig kastana yeesho xabsi sharaf leh oo haddana wata SUULIYAAL, lab iyo dhaddig, qof sharaf leh loo quuri karo
3. In degmada Gaalkacyo uusan ka dhicin dil danbe oo qorsheysan oo lala beegto haldoorka Mudug, haddii uu dhacana booliska iyo sirdoonka degmadu ay leeyihiin awood ay isla markiiba ama ugu badnaan 24 saac gudahood ku soo qabtaan gacan-ku-dhiiglaha

Maamulka Degmada Gaalkacyo haddii ugu yaraan maalinkii ay siddeed saac shaqeeyaan, leeyihiin karti iyo aqoon u qalanta shaqada loo igmaday, waa ay awoodaan in ay ku guulaystaan saddexdaas qodob ee shacabka Gaalkacyo ay maalin kasta, tobankii sano ee la soo dhaafay, maamulkooda u jaangoynayeen.

Haddii Hoggaanka Shiinuhu ay la xisaabtami karaan hoggaamiyayaasha ay u igmadeen maamulka gobolada iyo degmooyinka dalka, Madaxweynaha Puntland, Md. Siciid Cabdulaahi Deni, inta laga helayo DOORASHO QOF IYO COD ah, asna waa uu leeyahay awood uu kala xisaabtamo, uuna ku hubiyo in saddexdaas jaangooyo ay maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo ku guulaystaan sannadka 2020.

Toban bilood kabacdi naga filo natiijada jaangoynta shacabka.

Diiwaanka Daljir
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: