Gaas oo ku hungoobay damaciisii Puntland kuna laabanaya Xamar

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Gaas oo ku hungoobay damaciisii Puntland kuna laabanaya Xamar

Tan iyo imaatankiisii Garoowe asbuuc kahor, Cabdiweli Cali Gaas waxaa u qarsoonaa damac ah in uu mar kale isu sharraxo Madaxweyne Puntland. Damacaas o

Siyaasiyiinta iyo Hoggaanka Dhaqanka Puntland oo ka Hadlay Taariikhda Prof. Maxamed Jaamac Salaad (dhegayso)
Warbixinta Maxamed Cali Bile iyo wararkii ugu danbeeyey ee Laascaanood
Maydka Jamaal Khashoggi oo aan weli la hayn laakiin loo malaynayo in lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul

Tan iyo imaatankiisii Garoowe asbuuc kahor, Cabdiweli Cali Gaas waxaa u qarsoonaa damac ah in uu mar kale isu sharraxo Madaxweyne Puntland. Damacaas oo aan hore ugu jirin Gaas baa ila ka agdhow ku sheegeen in uu ku dhashay kaddib weeraradii saddexda ahaa ee kooxda Aaranjaan la beegsadeen Garoowe, kii ugu danbeeyey ee 20kii Juun ee lala beegtay Barlamaanka Puntland-na uu ahaa kii uu kaga dhiiraday in uu mar kale Puntland cagaha soo dhigo.

Weerarkii Barlamaanka Puntland lala beegtay kabacdi, Gaas waxaa uu istusay in Madaxweyne Deni uu siyaasad ahaan dhaawacanyahay, oo maanta aysan jirin waqti kaga habboon in uu mar kale ka soo muuqdo saaxadda siyaasadda Puntland. Gaas ayeysan markii hore marnaba soo galin rajo ah in uu mar kale Madaxweyne ka noqdo Puntland ayada oo dhegaha shacabka Puntland ay weli ka dhawaaqayaan makiinadihii lacagta faalsada u daabici jiray Gaas, iyo Somaliland oo Tukaraq qabsatay, Garoowena kaabiga u soo fariisatay, oo ay welina u sii dheertahay wixii Gaas lagu bartay oo ay ugu horreeyaan musuq aan xad iyo xishood lahayn, been aan run aqoon, qaraabakiil aan saaxiib, siyaasi iyo aqoonyahan kala sooci karin, iyo go’aan la’aan gaarsiisay in uusan talo yeelin, talona diidin.

Gaas oo intaas aan moogayn waxa kaliya oo u muuqday waxa ay ahayd ‘Deni waa dhaawacanyahay ee ka faa’iideyso.’ Qorshaha ka faa’iideysiga waxaa qayb ka ahaa saaxibadi Xamar oo markii horeba talo ku lahaa in uu Buffalo, USA, ka soo guuro, Puntland isu diyaariyo, laakiin marka hore Xamar maamuus ka helo, deedna asaga oo ‘magac iyo miisaan fadaraal’ wata uu Puntland uga sii gudbo. Maanta iyo mar kalena saaxibadi Xamar ayaa mar kale ballanqaad aan yareyn dhabarka kaga soo dharbaaxay, iyo ugu yaraan in uu mar kale xataa Raysal Wasaare noqon karo.

Gaas qorshaha uu Garoowe uu yimid waxa uu ahaa mid kooban, kana kooban, waa marka koowaad e in eedda wixii weerar Garoowe lala beegtay Deni dusha laga saaro. Waa marka labaad e in dimoqraadiyadda Puntland la laalo. Waa marka saddexaad e in Isimada Puntland gacanta lagu dhigo.

Laakiin Garoowe uu Gaas ku soo laabtay ma ay ahayn Garoowedii Gaas ka tagay sannadkii 2019. Gaas wuxuu ku soo laabtay Garoowe aan Aaranjaan ka talin. Wuxuu ku soo laabtay shacab dimoqraadiyad safaf u galay, tii doorashada Madaxweynaha iyo 66-da Xildhibaan ee awal la iibsan jireyna hadda raba in ay saf u galaan oo gacmahooda ku doortaan. Gaas wuxuu soo laabtay Laascaanood oo xor ah iyo Somaliland oo aan cidna u yeerin karin.

Gaas wuxuu la kulmay isimadii uu isku hallaynayey, waxa se fajiciso ku noqotay markay yiraahdeen, “waa maxay shirka Isimada ee aad rabtaa Gaasoow? Ma rag si sharcidarro ah dawlad waajibkeeda gudaneysa u soo weeraray iyo dawladdii la weeraray baad rabtaa in aan u kala garqaadno? Ma caasimad ummadda reer Puntland u dhexaysa oo la kala sheeganayo oo weerar lagu yahay baad rabtaa dadkii weerarka ku ahaa in aan gar u fariisino?”

Saa Gaas haddana siyaasiyiintii iyo dawladdii iyo nin doorkii Garoowe buu raadin u galay. Saa waxaa lagu yiri, “dagaalka xoreynta gobolka Sool baa lagu jiraa, ee aaway doorkaagii? Wixii aan qayb ka ahayn xoreynta gobolka Sool waxaan u aragnaa in ay garab iyo gaashaan u yihiin Somaliland.”

Saa Gaas haddana wuxuu ku laabtay qaar kale oo Isimada Puntland, asaga oo leh wax walba idin la qaatay oo dimoquraadiyadda idin la qaatay ee doorashada Madaxweynaha ha loo daayo say ahaan jirtay iyo 66-dii Xildhibaan. Waxay ugu jawaabeen, “Gaasoow, hawshaas waa mid u taal Barlamaanka Puntland ee ma aha mid annaga noo taal.”

Cabdiweli Cali Gaas waa uu ku hungoobay imaatinkiisii Puntland, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu ku laabto Xamar iyo raggii soo dirsaday. Ku hungowga Garoowe, iyo waliba tixgalin la’aanta uu kala kulmay, kama ay marnaan doonto, sida la filayo, in Cabdiweli Cali Gaas uu baajiyo amaba ka laabto in uu yahay musharrax Madaxweyne Puntland.

La soco qoraalkayga qaybta labaad iyo “Sidee loo sameeyaa Madaxweyne Puntland, xaggee se lagu sameeyaa?”

WQ: Maxamed Cali Gafaaje

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: