Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Boosaaso

Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ugu maqnaa Dalka Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso waxaa kusoo dhaweeyey Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka Puntland iyo qaar kamid ah Shaqaalaha,iyad aoo ugu dambeyn la geeyey Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa intii uu ku sugnaa dalkaasi Jabuuti waxaa uu Madaxtooyada Jabuuti kulan kula qaatay, Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,iyada oo Madaxweyne Deni uu Madaxwyen Geelle uga mahadceliyay dadaalkii uu ku bixiyey dhismaha dowladdnimada Soomaaliya iyo garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ay sidoo kale ka wada hadleen xaaladda Guud ee Soomaaliya, xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com