Maxkamadda Darajada 1aad – Taliye Muxyaddiin: “Cumar Dheere Danbi loo Haysto ma Ogi mana Jiro” (dhegayso)

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ooo maanta xoriyadiisi dib-u-siisay weriye Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) oo muddo 7 cisho ah sida laga sheegay maxkamadda si sharci darro ah ugu xirnaa Madaxweynaha Puntland.

Maxkamada ayaa u yeertay Taliye Muxyadiin Axmed Muuse oo horay jidka uga soo qabtay weriye Cumar Dheere, waxayna weydiisay sababta loo haysto weriyaha. Taliye Muxyadin ayaa maxkamadda ka caddeeyey “in dambi loo haysto weriyaha uusan ogayn, uusanna jirin.”

Hadaba markii la siidayay weriyaha ayaa waxa shir jaraa’id qabtay qaar ka mid ah weriyayaasha Puntlandiyo Ururka saxafiyinta ee MAP. Guddoomiye Xigeenka MAP, Maxamed Maxamuud Welkam iyo weriye Cumar Dheere ayaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay, waxaana hadalka ku hormaray guddomiye kuxigenka MAP.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com