Sahra Noor: Daryeelka hooyada, dhallaanka iyo caafimaadka guud (dhegayso)

Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa dalalka ugu daran ee hooyadu dhibaatooyin la kulanto waqtiga dhalliinka, taasi oo sabab looga dhigo daryeel la’aanta hooyada iyo ku baraarugid la’aan caafimaadka guud ee hooyada.

Daryeelka hooyada iyo dhallaanka waxa aan ka waraysanay Sahra Nuur oo hadda ku sugan Nayroobi. Sahra Nuur waxa ay haysataa degree kalkaaliso iyo mid hannaanka loo maamulo qaybaha caafimaadka. Sahra waxaa kale oo ay post graduate ku qaadatay tababarka bulshada dhanka dajinta siyaasadda caafimaadka dadweynaha.

Sahra waxa ay ka soo shaqeysay oo ay aasaastay xarumo caafimaad oo bixiya adeegyo caafimaad oo kaladuwan ayna kamid tahay shabakadda caafimaadka aasaasiga ee magaalada Minneapolis. Waxaa ay agaasime ka soo noqotay xarunta caafimaadka bulshada ee jaamacadda Minnesotta Medical Center iyo waliba United Health Group oo ay ka soo noqotay agaasime, ahna caymiska dhanka caafimaadka ee ugu ballaaran dalka Mareykanka.

Sahra waxa ay cilmibaaris caafimaad (Signs of Hope: Reflections on Health Care In Somalia) ka soo samaysay deegaanada Puntland, gaar ahaan sida uu u shaqeeyo hannaanka caafimaadka iyo helidda adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Maxamud Cabdi Ibraahim ayaa ka waraystay xaaladda hooyada iyo dhallaanka.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com