Labada dugsi sare ee Nawaawi (Bossaso) & Al-waaxa (Garowe) oo isugu soo hadhay finaalaha barnaamijka Tartan & Tacliin.

Buuhoodle, Sept 06 – Barnaamijka Tartan & Tacliin ee ka baxa idaacada Daljir sannad walba bisha barakaysan ee Ramadaan, ayna iska kaashadaan idaacada Daljir, shirkada isgaarsiinta ee Galis & dallada ardayda Puntland ee PEN ayaa xiligan ku jira wareegii ugu danbeeyey ee is-reebreebka dugsiyada sare ee Puntland.

Waxaa wareegan (quarter-final) isugu soo baxay 3-da dugsi sare ee Nugaal (Garoowe), Nawaawi (Bossaso), iyo Al-waaxa (Garowe).

Hadaba saddexda dugsi sare oo qaab ciyaareedkoodda laga dhigay is wada arag ayaa waxaa habeenkii u horeeyey la isku dhuftay Al-waaxa (Garoowe) Iyo Nawaawi (Bossaso), waxaana habeenkaas guushu ay raacday Al-waaxa.

Habeen 3-aadkii oo ahaa caawa (isniin) laguna kala hadhayey ayaa waxaa fooda is daray Alwaaxa (Garowe) Iyo Nugaal (Garowe), halkaasi oo afka ciida loogu daray Nugaal (Garowe), waxaana halkaasi ku soo dhamaaday wareegii u danbeeyey (semi-final) ee is-reebreebka iskuuladda ee barnaamijka Tartann & Tacliin.

Dugsiga sare ee Nugaaal (Garoowe) ayaa sidaa ku galay kaalinta 3-aad ee tartanka.

Barnaamijka Tartan & Tacliin oo galay wereegii finaalaha ahaa ayaa waxaa ciyaarta kama danbaysta ah isugu soo hadhay Al-waaxa (Garoowe) & Nawaawi (Bossaso); labada duigsi sare ayaa habeen dambe ku hardami doona Koobka barnaamijka Tartan & Tacliin ee 2010; la arki doonee kan hanta koobka.

Isku soo wada duub oo barnaamijka Tartan & Tacliin oo sanadkan ay ku tartameen 24 dugsi sare oo ku kala yaala magaalooyinka Boosaaso, Buuhoodle, Badhan, Buurtinle, Garoowe, Galkacyo, Qardho, Ufayn iyo meelo kale ayaa noqday barnaamijka ugu xiisaha badan ee ka baxa idaacadaha maxalliga ah marka loo eego tirada dadka ah ee ku xidhan barnaamijka.

Barnaamijka ayaa xiliyada uu socdo waxaa goobaha ganacsiga iyo xaafadaha laga dhegaysanayo ku soo aruura dadweyne tira badan oo kala taageera habeenba labada dugsi ee uu dhexyaalo baratanku.

Khadar Cawl Ismaaciil,
Idaacada Daljir. http://daljir.com/


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com