War Saxafeed – Madaxweynaha Puntland oo kulamo la yeeshay madaxda Ethiopia.

Adis Ababa, Sept 05 – Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) oo booqasho ku jooga Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa maalintii afaraad halkaasi uga socdaan kulamo muhiim ah.

Madaxweynaha iyo Wafdi ka tirsan Xukuumadda Puntland ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda deriska ee Ethiopia iyo weliba sarakiil ka socota Ururka European Union (EU) oo fadhigoodu yahay Magaalada Addis Ababa.

Mas’uuliyiinta Dowladda Ethiopia oo uu horkacayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibada Dr. Takeda Alemu ayaa kulan la qaatay Madaxwenaha Puntland iyadoo laga wada hadlay arrimaha guud ee amaanka dalka Somalia iyo arrimaha u gaarka ah Dowladaha Ethiopia iyo Puntland, gaar ahaan dhinaca amaanka iyo ganacsiga.

Dhowaan ayaa la bilaabay diyaarad si toos ah uga dhexshaqaysa Addis Ababa iyo Garowe iyadoo talabadaasi ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada Dowladadood.

Sidoo kale, Wafdiga Puntland ayaa kulamo la yeeshay Sarakiisha EU-da u joogta Magaalada Addis Ababa oo uu horkacayay Ambassador Koen Vervaeke oo ku magaacaban Wakiilka gaarka ah ee EU-da ahna Madaxa EU Commission u jooga Ururka African Union oo xaruntiisu tahay Addis Ababa.

Amb. Vervaeke waxaa kulankaasi ku wehliyay Sarakiil kale oo ka socota EU-da oo ay ka mid ahaayeen sarakiil u qaabilsan arrimaha Siyaasadda iyo Militariga.

Kulamadaasi ayaa dhamaantood waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda Puntland iyo Ururka EU-da oo arrimaha Somalia ku howlan, gaar ahaan dhinaca Nabadaynta iyo Hor’umarka iyadoo la filaayo in EU-da ay mashaariic kala duwan ka bilawdo Gobollada Puntland oo ah goobaha ugu nabdoon dalka Somalia.

Dhanka kale, Madaxweyne C/raxman Farole ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Askar ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo daaweyn loo geeyey isbitaal ku yaala Magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Puntland ayaa amaanay geesinimada Askartaan isagoo ugu duceeyey inuu ILAAHAY caafimaad siiyo, wuxuuna u balanqaaday abaalmarino dhan kasta ah.

Madaxweyne C/raxman Farole wuxuu mahadcelin balaaran u jeediyay dhaqaatiirta Isbitaalkaas oo ku howlan daaweynta dhaawaca Ciidamada Darawiishta oo dagaalo adag la galay kana adkaaday kooxda Al Shabaab oo dhuumaalaysiga ku joogta Buuraleyda Galgala iyadoo firxad kooxdaasi Argagaxisada ah ka tirsan ay Ciidamada Darawiishta weli dabo joogaan.

Askarta Daraawiishta dhawaaca ah ayaa si weyn ugu mahadceliyay Madaxweynaha booqashadiisa iyagoo amaanay qaabka ay Dowladda Puntland isaga xilsaartay xanaanaynta iyo ka warqabida Ciidamada Dowladda oo amaanka Puntland ka shaqeeya maalin iyo habeenba.


La xiriir:
Xafiiska Warfaafinta: [email protected]
Web: www.puntland-gov.net
Madaxtooyada Dowladda Puntland

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com