HomeUncategorized

Koox dabley ah oo dhac u gaystay xawaaladda Qaran, xarunteeda magaalada Galkacyo, gacantana ku dhigay lacago badan oo ay la baxsadeen.

Galkacyo, July 31 ? Kooxdaan oo sida la tilmaamay ku hubaysnaa baskoolado ayaa gudaha u galay xarunta xawaaladda subaxnimadii hore ee saakay, iyagoo

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Tacsi iyo taariikh-nololeedkii Xildhibaan Carrab-buro
DHAGAYSO:Warkii Duhurnimo ee Daljir Jimce_11
Labo qof ayaa ku dhimatay saddex kalena waa dhaawacmeen is rasaasayn maanta ka dhacday Galkacyo.

Galkacyo, July 31 ? Kooxdaan oo sida la tilmaamay ku hubaysnaa baskoolado ayaa gudaha u galay xarunta xawaaladda subaxnimadii hore ee saakay, iyagoo isku ekaysiiyey macaamiisha shirkadda soona baal-maray illaaladii xaruntaas oo fadhiday kadinka hore ee laga soo galo xarunta xawaaladda.

Dableydaan ayaa markii ay galeen xarunta isla markiiba isku laabay al-baabbadii xawaaladda, iyagoo rabbiineeyey shaqaalihii shirkadda ee ku jiray gudaha iyo dhammaanba macaamiishii xawaaladda ee xilligaasi loo fulinayey adeegyada.

Kooxdaan waxay dhaceen lacago badan oo aan illaa iyo haatan si rasmi ah loo caddayn Karin tiro ahaan inta ay gaarsiisan tahay, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha Qaran oo aan la xariirnay.

Muddo cabbaar ah oo dableydaasi ku jireen xarunta isla markaana ay baaranayeen khaanadaha xawaaladda ayey u suurtogalin illaaladii xarunta iyo dadkii kale ee bannaanka marayey in ay arkaan dhaca ka socda gudaha.

Dableydu markii ay ka soo baxeen xarunta xawaaladda oo ku taallay meel aad u dad badan, waxay fureen rasaas ay ku argagax galinayeen illaaladii shirakadda iyo dadkii bannaanka marayey, waxaana ay rasaastaasi haleeshay mid ka mid waardiyihii xawaaladda oo dhaacmay iyo qof kale oo shacab ahaa kana ag dhawaa goobta kaasi oo geeriyooday.

Raggii dhacaan gaystay ayaa isla markiiba baxsaday, waxaana mas?uuliyiin ka tirsan maamulka xawaaladdu iyo saraakiisha bileysku ay noo xaqiijiyeen in ay u carareen xaafadda Wadajir ee dhanka koonfureed ee magaalada Galkacyo.

Waa markii ugu horraysay oo dhac noocaan oo kale ah loo gaysto xawaaladaha ka hawlgala magaalada Galkacyo, waxaana tani ay walwal badan u abuurtay dadka gobolka oo u arka arrintaani in ay tahay mid ugub ah.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: