Kob-dhexaad: Koox hubaysan oo toogasho ku dishay 4 qof oo rayad ah, qof kalena dhaawacday; aano qabiil & aargoosi lala xiriirinayo.

Kob-dhexaad, June 21- Afar qof ayaa dhintay, mid kalena waa dhaawacay kaddib markii rag hubaysan ay saaka aroortii rasaas oodda uga qaadeen meel dad badani ay ku sugnaayeen oo ka mid ah tuulada Kob-dhexaad oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Afarta qof ee dhintay ayaa isku beel ka wada tirsanaa waxaa ku jiray wiil iyo aabihiis sida dadka deegaanka ay idaacadda Daljir u sheegeen iyadoo sidoo kalena tilmaamayo qaar ka mid ah ragga dhintay in ay ahaayeen kuwo magac iyo maamuus weyn ku lahaa bulshada dhexdeeda.

Dhacdadaan weerar ee saaka ayaa ku qotanta aano iyo aargoosi beeleed taasoo lala xiriirinayo dhacdooyin muddo soo jiitamayey oo u dhaxeeyey beelo ood-wadaag ah oo wada deggan deegaanno kala duwan oo gobolka Bari ka mid ah, kana soo kala jeeda degmooyinka Ufayn iyo Carmo.

Falkaan maanta dhacay waxaa ka sii horreeyey mid kale oo shalay ka dhacay magaalada Bossaso laguna dilay illaa labo qof kaddib markii sidaan oo kale rasaas loo qabadsiiyey gaari Bas ah oo dhex marayey magaalada, falkaasi oo isna loo tirinayey in ay gaysteen beesha maanta dadka laga laayey.

Muddo dheer ayey soo jiitamaysay colaadda u dhaxaysa labadaan beelood, waxaayna ay ka soo unkantay isku qabsi dhul daaqsin iyo deegaan isugu jira oo ay labada beeloodba ku doodayeen lahaanshihiisa.

Muddadii ay jirtay xurguftaan colaadeed ee u dhxaysay labadaasi beelood waxay sababtay khasaarooyin naf iyo maalba leh, waxaana naftoodii ku waayey dad badan oo ku dhintay weeraro ka fool-ka-fool ah iyo dilal gaadmo ah oo ka kala dhacay meelo badan oo miyi iyo maagaalaba iskugu jira.

Intii ay aloosnayd colaadda labadaasi beelood waxaa barbar-socday dadaallo badan oo xagga nadayntooda ah taasoo ay ku hawlanaayeen dawladda, issimada iyo indheer-garadka kala duwan ee reer Puntland laguna baadi-goobayey is-afgaradkooda.

Dhawr jeer oo kala duwan ayaa la is-horkeenay waxgaradka labadaasi beelood si ay uga gudbaan una dhammeeyeen dhibaatada muddada dhax-tiillay, iyadoo inta badanna kulamadii dhacay is-fahan buuxa laga gaaray, hase ahaatee badankoodu aysan noqon kuwa dhaqan-galay.

Heshiiskii ugu danbeeyey ee la dhex-dhigay labada dhinac waxaa uu ka dhacay magaalada Bossaso kaasoo lagu gaaray is-afgarad buuxa oo dhammaystiran iyadoo la isla qaatay heshiis nabadeed iyo wax-qaybsi walaalnimo oo ku aaddanaa khsaarihii labada dhinac soo kala gaaray, hase ahaatee heshiisyadaasi waxaa ay dhaawacmeen kaddib markii dhawr jeer oo is xig-xigay ay dhaceen dhacdooyin aanaysi iyo aargoosi ah oo loo badnayey in ay la xiriireen dirirtii hore kuwaasi walwaliyey u heelanayaashii nabadda ee muddada ku hawllanaa xal ka gaaridda arrintaasi.

Xaaladda waxaa sii niyad xumeeyey weerarradii qaawanaa ee shalay iyo saaka ka kala dhacay Bossaso iyo tuulada Kob-dhexaad, waxaana la tilamaayaa falalkani in ay xagal-daacin weyn ku yihiin heshiiskii labada dhinac, afkana ciidda loo daray dadaalladii wakhtiga badan ku lumay ee nabadda labadaasi beelooda.

Cabdifitaax C Geeddi
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com