Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo weeraro cirka ah ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin Kismaayo.

Kismaayo, Jun 24 – Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa weeraro cirka ah ku qaaday fariisimo ay leeyihiin ciidanka Al-shabaab ee gobollada J. Hoose; diyaaradaha ayaa la aaminsan yahay in ka soo haadeen maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee qotoma badnweynta Hindiya.

Lama xaqiijin dhabta khasaaraha ay gaysteen, walaw Sh. Xasan Yacquub, Gudd. xarakada Al-shabaab ee gobolka J. Hoose oo saxaafada la hadlay uu xaqiijiyey in weeraro cirka lagu soo qaaday, dhaawacna uu ka soo gaaray 2 ka mid ah ciidanka Al-shabaab.

Sh. Yacquub waxaa uu intaas ku daray in laba diyaaradood oo nooca helikobtarka ahi ay weerareen ciidan ilaalo ah oo ka tirsan Al-shabaab.

Sh. Yacquub waxaa kale oo uu sheegay in ay hore u jireen weeararo kan la mid ah oo diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay ku qaadeen fariisimada ciidanka Al-shabaab ee gobollada J. Hoose iyo J. Dhexe.

Al-shabaab, oo ah urur diimeed mayal adag, ayaa ka arrimiya badi gobollada Koonfureed ee Somaliya, dagaal siyaasadeed iyo mid ciidanna ay isku hayaan dawlada federaalka ah ee Muqdisho oo taageero ka hesha beesha caalamka – todobaabkii hore ayaa ciidanka dawlada federaalku ay magaalada Muqdisho ku dileen hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida ee Bariga Afrika.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com