Kiisas cudurka jadeecada oo laga helay xeryaha barakacayaasha ee magaalooyinka Bossaso & Garowe.

Garowe, Apr 20 – Sida uu cadeeyey agaasimaha wasaarada caafimaadka ee Puntland, kiisas cudurka jadeecada ayaa lagu arkay xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee ka soo haajiray dagaalada aafeeyey gobollada koonfureed ee Somaliya.

Agaasimaha wasaarada, Dr. C/risaaq Xirsi Xasan oo u waramay idaacada Daljir ayaa sheegay in wasaaradu ay samaysay hawl-wadeeno ka tirsan wasaarada oo ka bilaabay labada magaalo mashruuc dabiid ee dhallaanka u nugul ama uu saameeyey cudurka jadeecadu.

Dr. C/risaaq waxaa uu sheegay in inta la og yahay 3 qof ay u dhinteen cudurka jadeecada Garowe & Bossaaso-ba, kiisaska la geeyey cisbitaaladuna ay yar yihiin, balse sida uu xusay ay jirto baqdin ay ka qabaan in dhallaanka aan la talaalin ee guryaha lagu hayaa ay khatar u yihiin in uu ku dhaco cudurka jadeecadu.

Agaasimuhu waxaa uu sheegay in jadeecadu ay ka mid tahay cudurada faafa ee sida sahlan carruurtu isugu gudbin karaan, gaar ahaan malcaamadaha, iskuulaadka, xarumaha daryeelka dhallaanka, iyo fadhiyada kale ee dadku isugu yimaadaan.

Dr. C/rsiaaq waxaa uu xusay in xilliga abaarta ee lagu jiro dartii, iyo nafaqa darrida haysata dadka danyarta ahi ay keeno in ay dhallaanku u nuglaadaan qaadista iyo faafka guud ee cudurada uu ka mid ah yahay jadeecadu.

Waxaa uu ku dhiirigeliyey waalidiintu in ay joogteeyaan talaalka dhallaanka, haddii ay arkaan astaamaha cudurka jadeecadana ay si dhakhsa ah ula xiriiraan cisbitaalada iyo fadhiyada caafimaadka.

Dr. C/risaaq waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan cuduro kale oo leh astaamaha cudurka jadeecada sida xummad, firiiric jidhka ka soo daata iwm.

Maxamed C/llahi Kooshin,
Daljir, Garowe.


Garowe: Wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo iclaamisay in cudurka jadeecadu uu ka dilaacay Puntland.

Garowe, Apr 19 – Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa maanta (Talaada) qabatay kulan ku aadanaa sidii wax looga qaban lahaa cudurka jadeecada oo ku sii fiday deegaano badan oo ka tirsan Puntland.

Waxaa cudurkaan jadeecada u geeriyooday dhawr caruur ah, halka qaar kalena ay yaallaan cisbitaalada guud ee kuyaala Puntland.

Kulan xaalladdan looga hadlayo oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda caafimaadka ayaa diiradda lagu saaray sidii dadka loogu wacyi-galin lahaa in ay caruurtooda ka talaalaan cudurka jadeecada, waxaana wasaaraddu sheegtay in Garoowe laga furayo xarumo ku meel gaar ah kuwaasoo loogu talagalay sidii caruurta looga tallaali lahaa cudurkaan jadeecada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo isagu soo qaban-qaabiyey kulankaan ayaa bulshada reer Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan kooxaha olalaha tallaalka caruurta waxaana uu si gaar ah farriin ugu diray waalidka laga doonayo in uu caruurtiisa katalaasho cudurka jadeecada.

Sida uu sheegay Md. Xasan cudurka ayaa ka dilaacay xeryaha dadka barakacayaasha ahi ay ku nool yihiin, kiiskii ugu horeeyeyna lagu arkay xero ku taal magaalada Bossaso.

Kulankan ay wasaaradda caafimaadka qabatay maanta ayaa waxa uu kusoo aaday xilli gobollo ka mid ah Puntland uu ka dillaacay cudurka jadeecada oo intabadan wax-yeelo u gaysta caruurta da’ yarta ah, waxaana haatan cisbitaalka guud ee magaalada Garoowe la sheegay in ay ku jiraan caruur fara badan oo ay soo ridatay jadeecadu; qaar ayaa la sheegay in ay u indha-beeleen cudurkaan awgii.

Cabdiwali Maxamed Sheekh,
Daljir, Garowe.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com