Garowe: Wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo iclaamisay in cudurka jadeecadu uu ka dilaacay Puntland.

Garowe, Apr 19 – Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa maanta (Talaada) qabatay kulan ku aadanaa sidii wax looga qaban lahaa cudurka jadeecada oo ku sii fiday deegaano badan oo ka tirsan Puntland.

Waxaa cudurkaan jadeecada u geeriyooday dhawr caruur ah, halka qaar kalena ay yaallaan cisbitaalada guud ee kuyaala Puntland.

Kulan xaalladdan looga hadlayo oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda caafimaadka ayaa diiradda lagu saaray sidii dadka loogu wacyi-galin lahaa in ay caruurtooda ka talaalaan cudurka jadeecada, waxaana wasaaraddu sheegtay in Garoowe laga furayo xarumo ku meel gaar ah kuwaasoo loogu talagalay sidii caruurta looga tallaali lahaa cudurkaan jadeecada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo isagu soo qaban-qaabiyey kulankaan ayaa bulshada reer Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan kooxaha olalaha tallaalka caruurta waxaana uu si gaar ah farriin ugu diray waalidka laga doonayo in uu caruurtiisa katalaasho cudurka jadeecada.

Sida uu sheegay Md. Xasan cudurka ayaa ka dilaacay xeryaha dadka barakacayaasha ahi ay ku nool yihiin, kiiskii ugu horeeyeyna lagu arkay xero ku taal magaalada Bossaso.

Kulankan ay wasaaradda caafimaadka qabatay maanta ayaa waxa uu kusoo aaday xilli gobollo ka mid ah Puntland uu ka dillaacay cudurka jadeecada oo intabadan wax-yeelo u gaysta caruurta da’ yarta ah, waxaana haatan cisbitaalka guud ee magaalada Garoowe la sheegay in ay ku jiraan caruur fara badan oo ay soo ridatay jadeecadu; qaar ayaa la sheegay in ay u indha-beeleen cudurkaan awgii.

Cabdiwali Maxamed Sheekh,
Daljir, Garowe.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com