Khayre oo la kulmay ganacsatada Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ganacsatada ka soo jeeda deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ganacsatada ayaa looga hadlay arrimaha nabadeynta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug dhammaystiran, loo dhanyahay kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Ganacsatada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in ay qaadanayaan dowrka uga aaddan Nabadeynta, Dhismaha iyo Horumarinta dowlad gobaleedka Galmudug.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uu deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug kula yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada si looga shaqeeyo dhismaha iyo dhammaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
[email protected]
Muqdisho 26 March 2024---Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal.
Twitter:
@SomaliPM


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com