KACDOON KA DHAN AH MUSE BIIXI OO KA BILOOWDAY HARGEYSA

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

KACDOON KA DHAN AH MUSE BIIXI OO KA BILOOWDAY HARGEYSA

Illamaa 140 mudane oo ka kala tirsan labada aqal-baarlaam ee Somaliland ayaa si mug leh uga soo horjeestay habka, hannaanka iyo hoggaanka Muuse Biixi

Horukac mise Gadaal u gurasho: labo sano kaddib doorashada Madaxweyne Farmaajo.(Qormo)
Issimada Sool Sanaag iyo Cayn: “Waxaanu la yaabsanahay annagaa idin xukunna, annagaad naga mid tihiin, dowladayadana waad ku khasbantihiin, haddaad diiddaana waa idin laynaynaa.” 
Farriinta AMNIGA Puntland ee Musharrax Madaxweyne Puntland 2019 Injineer Jebiye (dhegayso)

Illamaa 140 mudane oo ka kala tirsan labada aqal-baarlaam ee Somaliland ayaa si mug leh uga soo horjeestay habka, hannaanka iyo hoggaanka Muuse Biixi ee Somaliland.

Arrintan oo isa soo taraysay maalmihii tagay ayaa u muuqatay mid sii xoogaysanaysay, tiiyoo xubno cusub oo ka mid ah garabka Col. Biixi ay weli u tallaabayaan dhinaca aqlabiyadda ee ka soo horjeestay hoggaanka xilliweydaartay ee Muuse Biixi.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo si caro leh uga hadlay waxa keeney istaageersiga mucaaradka ayaa tilmaamay in hoggaanka hadda ee Somaliland uu ka tagay xishoodkii, xushmaddii, xilkasnimadii iyo xilgudashadii, taas beddelkeedana uu xusul-duubay xiqdi, xasad, xasarad, xarig, iyo xummaan baahsan, Maxamed Abiib isagoo hadalkiisa si caro leh usii wata ayuu yiri “maxaa keeney inay 140 xildhibaan ka horyimaaddaan xukuumadda, waxaa keeney Somaliland oo la kala gooyay, oo laba gobol ay tageen, waxa keentay ciidankii oo la baabi’iyey.”

Abiib oo laga soo doortay Awdal isla markaana ka jawaabayay mashruuc lagu waday laami isku xira Boorama iyo Jabuuti, isla markaana la sheegey in mashruucaas loo joojiyay sabab magaca Soomaaliya oo lagu soo qaatay ayaa uu uga jawaabay isagoo weydiiyay shacabka ula jeeddada magaca Soomaaliya loogu gabbaday ee lagu joojiyay mashruucaas iyadoo mashaariic la mid ah oo ku qoran shaqsiyaad gaar ah sida maayarkii Muqdisho ee dhintay C/raxmaan Yariisow oo 8 Milyan oo doollar ah uu ka socdo degaanada kale ee Somaliland, isagoo u duur xulay degaannada beesha Isaaq, balse degaankiisa Awdal la xagal-daaciyey, isagoo arrintaas ka sii dardaarwerinaya ayuu sheegey in aanay baryootami doonin oo ay dagaallami doonaan.

Somaliland ayaa wajahday caqabado dhaqaale, guuldarrooyin siyaasadeed iyo mid ciidan, haddana waxaa u sii dheer sicir barar baahsan tiiyoo ay shaqaalaha Somaliland la’yihiin mushaharaadkoodii bishii tagtay ee Jannaayo, walaacna ka qaba in la waayi karo marka loo eego wadciga iyo waayaha ka jira Hargeysa.

Diiwaanka Wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: