Booliska oo dad u xiray dilka mas’uul katirsan dowladda Soomaaliya

HomeWararka

Booliska oo dad u xiray dilka mas’uul katirsan dowladda Soomaaliya

Ciidanka Boliiska oo 6 ruux usoo qabtay kiiska geerida Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo Meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala degmada wadajir ee

Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Buuhoodle (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug

Ciidanka Boliiska oo 6 ruux usoo qabtay kiiska geerida Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo Meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala degmada wadajir ee gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Taliska Boliiska ayaa u qornaa sida tan”Saldhiga Booliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: