Midowga Afrika oo mar kale ka hadlay xiisadda Somalia iyo Itoobiya

HomeWararka

Midowga Afrika oo mar kale ka hadlay xiisadda Somalia iyo Itoobiya

Warmurtiyeedka laga soo saaray Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Midowga Afrika oo si adag looga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeyb

Dowladda Sweden oo tageero siinaysa Somaaliya
MIRE AWAARE GAROWE: CIYAARIHII CAAFIMAADKA, CAQLIGA & JIRKABA (daawo)
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Warmurtiyeedka laga soo saaray Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Midowga Afrika oo si adag looga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika oo labadi maalin ee la Soo dhaafay shir madaxeedkii 37-aad ku yeeshay xaruntooda magaalada Addis Ababa ayaa soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimo kala duwan oo khuseeya qaaradda.

Warmurtiyeedka laga soo saaray Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxaa kamid ahaa qodobo si gaar ah looga hadlay Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo xadgudubka gurracan ee Ethiopia.

Waxaa lagu bogaadiyey hoggaanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab , iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo saaxiibada la shaqeeya taageerada iyo naf hurnimada.

Midowga Afrika warmurtiyeedka uu soo saaray ayaa si adag uga hadlay Xadgudubka Ethiopia ee dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis beenaad ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa Itoobiya iyo maamulka gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Soomaaliland) 1-dii January 2024.

AU waxay mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay iyo inay taageerto midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida, dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa ugu baaqday labada dal in ay xiisadda dejiyaan oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si arrinta xal nabadeed looga gaaro.

Midowga Afrika waxa uu sidoo kale ka codsaday Dowladaha xubnaha ka ah iyo Beesha Caalamka inay kordhiyaan kaalmada ay siiyaan DFS, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ciidamadeeda Ammaanka, looga adkaan lahaa Al-shabaab iyo horumarinta is-dhexgalka bulshada iyo xasilloonida deegaannada cusub ee laga saaray. AU waxay ku ammaantay UN, EU, UK, US iyo saaxiibada kale taageeradooda dhaqaale iyo saadka ee joogtada ah ee ATMIS.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: