Japan oo $11 milyan ugu deeqday qaxootiga kala duwan ee ku jira xeryaha dalka Itoobiya

Tokyo, January 14, 2014 – Dowladda Japan ayaa dhaqaale lagu taageerayo qaxootiga ugu deeqday dalka itoobiya oo ay joogaan dad badan oo ka soo cararay dalalkooda, kuwaas oo ay soomaalidu ugu horayso.

Ra?isal wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa shaaciyey inay Itoobiya ugu deeqeen 11.6 milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha, qorshahan ayaa qayb ka ah xiriirka labbada dal.

Soomaali badan oo qaxooti ah ayaa ku jira xeryaha dalka itoobiya, kuwaas oo u diiwaan gashan qaxooti ahaan qaarkood waxay galeen Itoobiya xiligii macaluusha 2011.

Ra?isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo kan Japan Shinzo Abe ayaa sidoo kale isku afgartay in laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka Koonfurta Suudaan oo colaado ka jiraan.

Ra?isal wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa soo dhameeyey safarkiisii Afrika iyo barigga dhexe.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com