India Burbur Train; 20 Ruux Ayaa Dhimatay 80 Kalena Waa Dhaawac (Sawirro)

India Burbur Train; 20 Ruux Ayaa Dhimatay 80 Kalena Waa Dhaawac (Sawirro)

Ugu yaraan 23 ruux oo rakaab ah ayaa ku dhimatay 80 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaarey kadib markii xalay ay uu burburay tareen oo nooca rakaabka ah ismaamulka Uttar Pradesh ee waqooyiga wadanka India.

Sida laga soo xigtey afhayeen u hadlay dowladda India burburkaan ayaa yimid kadib markii Tareen ku wajahnaa Xarunta Khatauli oo ku soconaey xawaare dhan  105 kph uu si lama filaan ah ugu gudbey degmada Muzaffarnagar oo qiyaastii 100 KM ujirta magaalada New Delhi, ee caasimadda India.

Ra’iisul wasaaraha dalka India ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa twitterka si dhow ugu tacsiyeeyey dhammaan dadkii ku dhintay shilkaasi iyo kuwa ku dhaawacmay oo uu caafimaad u rajeeyey, wuxuuna sheegay inay si gaar ah u baari doonaan.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com