?In la dilo qof islaam ah oo aan waxba galabsan waxaa ka khary roon Alle agti in adduunka oo dhan la halaago? G. Maxkamadda racfaanka G. Nugaal.

Garoowe, April 20 – Qaar ka mid ah culimada Puntland ayaa ka hadlay khatarta ka soo fool leh dilka dadka aan waxba galabsan ee birtu ku socoto, ka dib markii ay maanta socdaal gaaban ku tageen xarunta idaacadda Daljir ee magaalada Garoowe.

Wadaadada maanta tagay xarunta daljir uu ka muuqday dareen la xiriira sida ay uga xun yihiin dilka micno darrada ah ee lagu fuliyo dadka aan waxba galabsan ayaa hadana si gaar ah uga hadlay dhacdooyinkii ka dhacay magaalooyinka Galkacyo iyo Garoowe, kuwaasi oo ay ku tilmaameen waxaan la qaadan Karin.

Sh. Siciid Axmed Faarax oo ah guddoomiyaha maxakamadda racfaanka ee gobolka Nugaal kana mid ahaa culimadaasi oo daliishanayey aayado Qur?aan ah iyo axaadiis ayaa sheegay in fulinta falalka noocaan ay tahay mid Akhiro iyo Adduunba lagu halaagsamayo. ?In la dilo qof islaam ah oo aan waxba galabsan waxaa ka khary roon Alle agti in adduunka oo dhan la halaago? ayuu yiri Shiikhu.

Qaylo dhaanta culimada ayaa timid iyadoo maalintii Sabtida Qarax lagu dilay sheikh caan ahaa magaalada Galkacyo, dad kalana lagu laayey weerarro lagu qaaday masaajid ku taalla isla magaaladaasi.

Diiwaanka wararka,
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com