Iiraan oo kahadashay kabtan u dhashay wadankaasi oo ku geeriyooday howlgal ay qaadeen ciidamada badda Puntland

Iiraan oo kahadashay kabtan u dhashay wadankaasi oo ku geeriyooday howlgal ay qaadeen ciidamada badda Puntland

Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Iraan Bahram Qassemi ayaa cambaareeyey toogasho ay ciidamada badda ee Puntland ay u gaysteen kabtan u dhashay wadankaasi iyo dhaawaca badmaax kalle oo lasoo socday dooni kalluumaysi oo laga leeyahay Iiraan.

“Iiraan waxaa ay cabashadeeda ay u gudbisay Soomaaliya oo la xiriira toogashadan” ayuu yiri Bahram Qassemi oo la hadlay wakaaladda wararka ee ISNA.

Waxaa uu intaasi ku daray wasaaraddooda arimaha dibadda inay si’aad ah arrinkan ay ula socoto.

Todobaadkii hore ciidamada badda ee Puntand ayaa toogasho u gaystay kabtanka geeriyooday iyo badmaaxa lasocday xilli ay ku sugnaayeen xeebaha Badwaynta Hindiya oo ay kalluumaysi sharci darro ah ay ka wadeen.

Korneel Maxamed Cabdi Xaashi oo ah taliyaha ciidamada amaanka ee dekedda ayaa sheegay inay rasaasta ay ciidamada fureen kadib markii laba doonyood oo kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Iiraan ay iska indho tireen amarka ciidamada amaanka inay istaagaan, waxaana ay isku dayeen inay baxsadaan.

Taliyaha ayaa sheegay hal dooni inay hayaan oo middii labaad ay ka baxsatay ciidamada amaanka

Doonida oo ay ciidamada amaanka ay hayaan waxaa lasocda 16- shaqaalle oo u dhashay dalka Iiraan kuwaasi oo ay baaritaano ku wadaan ciidamada booliska iyo garsooraysaasha Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com