Wacaal Daray ah: Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka oo is-casilay

Wacaal Daray ah: Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka oo is-casilay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay xilkii iska casileen wasiirkii gaashaandhigga ee xukuumadda faderaalka ee Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo taliyihii ciidmaada xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya Jen Maxamed Axmed Jimcaalle Cirfiid.

Si rasmi ah looma oga iscasilaadooda waxa ay salka ku hayso, hase ahaatee golaha wasiirada ayaa isla galabta magacaabay Jen. Cabdi Jaamac Warsame oo loo magacaabay taliyaha ciidmaada militariga oo badelaya Jen. Cirfiid.

Saraakiisha is-casilay ayaa ka mid ah hay’adaha ammaanka ee ugu muhiimsan ee dowladda faderaalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com