Hiiraan Online: Maxaa Laga Siiyaa Puntland iyo Madaxdeeda?

W.Q. Cabdi Dirir Ghaheyr

Sida la wada ogyahay gobalka Hiiraan waa gobal aan marna xasilin, wax nabad ahna aan ku sugnaan ilaa markay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, sanadkii 1991.

Qabiilka dega gobalka Hiiraan ee ku yaala bartamaha Soomaaliya waxaa sida badan lagu eedeeyaa in ay laayeen maatadii iyo duqeydii Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaladii sokeeye ee ka socday Muqdisho, iyagoo ku sii qaxaya, kuna sii cararaya gobalada Puntland iyo Ogaadeeniya, si naftooda iyo maalkooda u badbaadiyaan.

Waxaa la xasuustaa xasuuqii ay u geysteen maatadii ka soo qaxday gobalka Ogaadeeniya ee ku noolaa xeryaha qaxootiga, iyagoo weliba ku guray webiga Shabeele. Waxaa la xasuustaa dilkii bareerka ahaa oo ay qaar ka mid ah reer Hiiraan u geysteen Alle ha u naxariistee qoraagii caanka ahaa Faarax Maxamed J Cawl oo u dhashay gobalada Puntland, iyagoo weliba ku dilay koontaroolka Jeentakudishe sanadkii 1992.

Waxay hiiraanonline.com hormeed ka aheyd ololihii cadowtanimada ahee ee lagula jiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Cabdulaahi Yuusuf, iyagoo had iyo goor daabici jiray qoraal been abuur ah; waxaan xasuusanaa maqaalo ay ka qori jireen ra?iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirsaaq Xaaji Xuseen, oo weliba aad u taageri jiray in nabad lala galo USC; waxaan xasuusnaa duuliye sare Cusmaan oo sanadkii 1991 gacan yare u ahaa dilaagii janaraal Caydiid? Waa ha socoto. Qodobadaas la soo sheegay hiiraanonline.com mudadii ay jirtay marna kama hadal, waayo dhibaatada iyaga ayaa waday waqtigaas.

Hiiraanonline waxay haatan sanadka 2010 u soo soo jeesatay, una tafa xaydatay naceybka iyo furfurka dadka Puntland iyo madaxdeeda. Hiiaanonline waxaa iska leh nin la yairaadho Axmadeey Xaaji oo ku nool Kanada, waanna ay ku dheertahay naceybka uu u qabo reer Puntland. Waa nin ku xiran, oo fuliya mashruuca Sheekh Shariif oo salkeeduyahay in laga hortago dowlad gobaleedka Puntland. Axmadeey Xaaji wuxuu maanta u tafa-xaytay inuu ka shaqeeyo isku dirka, been-abuurka iyo inuu shaqo ka dhigto qod-qodid xumaanta Puntland iyo dadka u dhashay
Puntland. Waa yaab! Waxaan maqli jiray habarta odayga loo saar!, waxaan walaakay Axmadeey Xaaji su?aalayaa, maxaa walaalow faa?iida kuugu jirta in aad ka shaqeyso xumaanta Puntland. Axmadeey Xaaji sow ma ogid Puntland in ay u soo qaxeen, ku noolyihiin, wax ka bartaan degenyihiin dadka reer Hiiraan, oo aad magacooda ku qaraabato?

Haddii sida aad adiga iyo wiilka maskiinka ah ee la yiraahdo Faysal?ee isna bogga wax ku qora ay wax u dhacaan sida aad rabtaan oo ah burburka Puntland, miyaadan ogeen in Hiiraan ay xaaladeeda sii xumaaneyso.

Waxaa isweyddiin mudan labada nin ee qaba cuduruka qabiilka, welibanna aad u neceb dadka reer Puntland, oo mar walbanna ku mashquulsan in ay qodaan, oo soo qufaan xumaanta reer Puntland, maxaa laga siiyaa Puntland iyo mdaxdeeda? Maxaa u diiday ninka la yiraahdo oo weliba adeegsada wiilka yar ee Cabdiraxmaan Ceynte inuu af-Ingiriis ugu qoro faalooyinka inuu ka hadlo dhibta haysata qabiilka uu ka dhashay ee ku nool Hiiraan

Reer Hiiraan maanta waxay buuxaan Bosaaso ilaa Gaalkacyo, waxaanna loo arkaa dad Soomaaliyeed oo u walaalo ah reer Puntland, laakiin niman jiran oo dilooday qabiil iyo naceyb ay u qabaan reer Puntland in ay ka faafiyaan dowladda Puntland iyo madaxdooda ma aha mid arrintaas saameyneysa. Waayo reer Puntland waa dad tegay, kana horeeya gobalada Koonfureed ee siku mashquulsan, oo ay Hiiraan ka midtahay; waa dad bislaaday oo soo dhaafay is-cunista ka socota Hiiraan iyo gobalada Koonfurta ku taala.

Sida ka muuqato magaca websitka waxaa loo sameeyey inuu ka hadlo, oo uu weliba xogga saaro dhibta iyo dheefta haysata dadka ku nool Hiiraan. Maanta waan la soconaa gobalka Hiiraan waxaa ka jira gaajo, mooryaanimo, isdil, Al-shabaab, kufsi iyo dhac. Maanta Hiiraan waa gobalka keliya ee ku yaal Soomaaliya oo leh saddex madaxweyne oo ninba uu meel ka sheeganayo inuu isaga yahay madaxweynaha u taliya gobalka.

Hiiraanonlin.com inta ay isku mashquulineyso dadka reer Puntland ee horay u tashay, waxaa uga fiican in ay isku mashquuliyaan, wax ka qoraan gobalka Hiiraan oo ay magaciisa wataan. In ay ka hadlaan Hiiraan sidii loo dhisi lahaa iyo dadka ku rafaadsan iyo sidii Shabaab looga xoreyn lahaa. Intaa waxaa raacda, wararka adduunka iyo aftida hab loo qaado, oo la tix raaco ayey leeyihiin; mana ku saleysnna qoraaladooda hufnaan iyo aqoon.

Shirarka ay beesha Hawiye sanad walba ku qabtaan qurbaha, welibii shirkii ugu danbeeyey ee lagu qabtay Koonfur Afrika (South Africa) iyo kii lagu qabtay Mombasa Keenya Axmadeey Xaaji waa uu joogay, waxaanna isaga iyo koox kale hadaladooda ka mid ah in ay ka hortagaan maamulka Puntland.

Waxaan weyddiinayaa Axmadeey Xaaji iyo inta wax garaneysa ee Hawiye, war soo ma idiin fiicna in aad ka fekertaan sidii aad gobal leh nidaam iyo kala danbeyn, halka aad isku mashquulineysaan in gobal dhisan oo Soomaaliyeed aad burburisaan? Subxaanallaah!

Su?aasha waxay tahay haddaba, Hiiraanonline.com ninka qora Axmadeey Xaaji iyo wiilka Faysal u ah ee sita magaca Faysal waxaa afti uga baahan in ay ka qaadaan dadka dhibaateysan ee u dhashay Hiiraan. Axmadeey Xaaji iyo saaxiibkiis Faysal iyo ragga uu ka midyahay Cabdiraxmaan Ceynte waxaan leeyahay war isku xishooda, oo iska dhaafa gobalada dhisan ee nabada ah in aad isku daydaan in aad qastaan. Hortiinba rag kale faraha uga gubteen.

Waa iga su?aalee Hiiraanonline.com. maxaa laga siiyaa Puntland iyo madaxdeeda?
W.Q. Cabdi Dirir Ghaheyr
[email protected]

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com