M/weyne Faroole oo magacaabay 5 xubnood oo ka mid ah 9-ka xubnood ee Guddiga Doorashada Puntland.

Garowe, Jun 27 – Wareegto, summadeedu tahay 53, taariikh 27-ka June, oo ka soo baxday madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa lagu magacaabay 5 xubnood oo ka mid noqon doona 9-ka xubnood ee guddiga doorashada ku meel gaarka ah ee Puntland.

Shanta xubnood ee uu magacaabay M/weyne C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa kala ah:

1. Maxamed Xasan Bare,
2. Barkhad Cali Saalax,
3. Cismaan Maxamuud X. Xasan,
4. Axmed Maxamuud Axmed,
5. Muxubo Muuse Ciise.

Sida uu dhigayo dastuurku cusub ee Puntland, 4-ta xubnood ee kale ayaa waxaa magacaabi doona mudanayaasha baarlamaanka Puntland.

Dastuurka ayaa dalbaya dhismaha Guddiga Doorashada oo qaabilsan dejinta shuruucda doorashada & diyaarinta doorashooyinka madaxda Puntland ee heer degmo, gobol iyo dawladeedba.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com