Haweenka Sacuudiga oo gaadiidka loo fasaxay

Haweenka Sacuudiga oo gaadiidka loo fasaxay

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa qaaday xayiraadda haweenka dalkaasi ka saarnayd inay gaaiidka ay kaxaystaan.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa laga siidaayay wareegto kasoo baxday ammiirka dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan, taasi oo uu sidoo kale saxiixay aabihii boqor Salmaan.

Safiirka dowladda Sacduudiga ee Mareykanka Khalin Bin Salman oo warbaahinta kula hadlay magaalada Washington ayaa soo dhoweeyey go’ aankan oo uu ku tilmaamay horumar iyo mid taariikhi u ah boqortooyada Sacuudiga.

Haweenka ayuu sheegay inay kaxaysan karaan gaadiidka iyagoo oo aanay lasocon rag ama qof ilaallo ah, sida uu horay u dhigayay sharcigii haweenka ka mamnuucay wadadida gaadiidka ee dalkaasi saarnaa.

Go’ aanka kasoo baxay dowladda Sacuudiga ayaa waxaa si’aad ah usoo dhoweeyey haweenka dalkaasi oo baraha bulshada kusoo qoray inay aad ugu faraxsanyihiin go’aankan, iyagoona sheegaya inay qayb ka qaadan doonto horumarka iyo inuu u baaqdo dhaqaalihii horay uga bixi jiray gaadiidka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com