Haweenka degmada Xarfo oo taageeray Madaxweynaha Puntland kana codsaday waxqabadka haweenka

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen ururada haweenka degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa lagu taageerayey Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, kuxigeenkiisa Cabdixakiin Cabdilaahi Cuamr Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire & labadiisa kuxigeen.
?
Haweenkii ku sugnaa kulanka ayaa dhanka kale ka codsaday Madaxda cusub ee Puntland inay wax ka qabtaan baahiyaha haweenka ee kajira degmada Xarfo.?
?
Ugu danbayn Sahra Xasan Samatar oo ah madaxa Tababarka bulshada u qaabilsan degmada Xarfo, iyo Hibaaq Muuse Abokor ?ayaa halkaas ka hadashay iyadoo u mahadcelisey hay’ada Adeeso oo dhisme tababrka haweenka ah ka hirgelisey degmada Xarfo ee gobolka Mudug.
?
Tan iyo markii xilka Madaxweynaha Puntland uu ku guulaystey Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa soo badanayey taageerada & hambalayda uga imaanaya dhamaan degmooyinka Puntland degmada Xarfana waxay kamid noqonaysaa meleeha sida wayn looga taageeray madaxweyne Cabdiwali maxamed Cali gaas.
?
Khadar Cawl Ismaaciil
Radio Daljir?
Garoowe

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com