HomeUncategorized

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo sagoontiyey Saxaafadda

Garoowe, Jan 12, 2014, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta , Hidaha & Dhaqanka ee Puntland Md Axmed Sh Jaamac oo kulan magaalada Garoowe kula yeeshay Warfidiyeenada ayaa sagoontiyey Suxufiyiinta Puntland oo ay soo wada shaqeeyeen intii uu xilka hayey.

Xulka Bari oo 3-1 kaga badiyey xulka J. Hoose, finaalahana la ciyaari doona xulka Banaadir.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Tallman.
?Waxba kalama socdo xarigga wariyaha ku xiran Bosaso? taliyaha bileyska Puntland.
Garoowe, Jan 12, 2014, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta , Hidaha & Dhaqanka ee Puntland Md Axmed Sh Jaamac oo kulan magaalada Garoowe kula yeeshay Warfidiyeenada ayaa sagoontiyey Suxufiyiinta Puntland oo ay soo wada shaqeeyeen intii uu xilka hayey.
?
Wuxuu sheegay inuu Xafiiska u banaynayo Xukuumada cusub ee uusoo dhisi doono Madaxweynaha Cusub ee Puntland Md Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
?
Isagoo ka hadlayey waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu joogey Wasaarada Warfaafinta ayuu sheegay inuu kasoo shaqeeyey meel mainta sharciga Saxaafada Puntland oo ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda ee Puntland.
Khilaaf ka dhextaagnaa Wasaaradda & Saxafadda ayuu sheegay inuu ku guulaystey xalintiisa.
?
Ugu danbayn Axmed Sh Jaamac ayaa bahda Saxaafada Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan cid walba oo timaada Wasaaradda marka lasoo magacaabo Wasiirada Xukuumada Dr Cabdiwali Gaas.
?
Wasaarada Warfaafinta Puntland aya lagu tilmaamaa mid aan hana qaad ahayn marka loo eego sida ay u shaqeeyaan Wasaaradaha kale ee Puntland.
?
Khadar Cawl Ismaaciil
Radio Daljir
Garoowe
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: