Gudoomiyihii Hore ee Gudiga Doorashooyinka Puntland Weriye Axmed Kismaayo oo Geeriyoodey

HomeWararka

Gudoomiyihii Hore ee Gudiga Doorashooyinka Puntland Weriye Axmed Kismaayo oo Geeriyoodey

Allaha u naxariistee waxaa saaka aroortii wadanka India ku geeriyoodey weriye Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo kamid ahaa hal doorka suxufiyiint

Masar iyo Soomaaliya oo Is faham ka gaaray Iskaashiga Maalgashiga ee labada waddan
R.W Ku xigeenka oo daahfuray wajiga 2-aad ee isla xisaabtanka XFS (Akhriso)
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Allaha u naxariistee waxaa saaka aroortii wadanka India ku geeriyoodey weriye Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo kamid ahaa hal doorka suxufiyiinta reer Puntland iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

Marxuumka oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanayey wadanka Kenya ayaa dhowaan waxaa xaalad caafimaad loogu qaaday dalka India oo uu ugu dambayntii ku geeriyoodey, sida saaka ay shaaciyeen dad ehel ah oo la soo xigtey.

Axmed Kismaayo, ayaa ka soo shaqeeyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, wuxuuna sidoo kale dhowr sano ahaa agaasimaha guuud ee warbaahinta dowladda Puntland, isagoona ugu dambayntii ahaa gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland oo uu iska casiley.

INAA LILAAHI WA INAA LILAAHI RAAJUCUUN

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: