Gudoomiye ku xigeenkii degmada Gaalkacyo oo is-casilay

Axad, May 03, 2015 (Daljir) — Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdala ayaa maanta oo Axada ah iska casliya xilkii Gudoomiye kuxigeen ee loo doortay April 2014.

Mudane Yacquub Maxamed Cabdala ayaa maanta Bartiisa Facebook ku sheegay in xilkaasi uu iska casilaadiisa Waxaana uu yiri;.

Ano oofinaya balanki aan qaaday April 2014 oo ahyd marki la ii doortay xilka aan u hayyo bulshada galkacyo.
Oo aan balan qaaday inaan soo celinayo xilka la ii dhibaay haddi aan wax kuso kordhinwaayo hormarka galkacyo ay u baahantahay ama aan waxbadan qaban waayo.

Waxaan maanta oo axada oo ah 3-may-2015 soo celiyey oo iska casilay xilki la ii igmaday. Waxaan ilahay ka baryaaya in galkacyo qof iga wanagsan oo iga khayr badan ugu badalo xilkaan baneeyey. Waxaan umahdeclinaya inti ila soo shaqaysay ama ii dhiiri galinaysay.

Inti ii dhaliil sanaydna waxaan ugu baqaya inay ka fakaran cidi ay ku tuhmayan Inay wax soo kordhinayso.
Ayu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook,Yacquub Maxamed Cabdalla.

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo Mudane Yacquub Maxamed Cabdala ayaa ka gaabsaday inuu warbaahinta la hadlo oo uu bixiyo faahfaahin intaaas ka badan.

By: Maxamed Xalliye

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com