Guddoomiyihii maxkamada ee gobolka Sool ee Somaliland oo lagu dilay Laascaanood.

Laascaanood, May 18 – Waxaa xalay dil toogasho ah lagu dilay guddoomiyihii maxkamada ee gobolka Sool ee maamulka Somaliland.

Alle ha u naxariistee, Sh. Maxamed Ibraahim ayaa la waxaa toogtay dablay hubaysan isaga oo ka soo baxay masjid ku yaal magaalada Laascaanood oo uu ku soo tukaday salaadii magrib.

Nin kale oo la sheegay in uu la socday marxuumka, kana mid ahaa madaxda hay’adaha ee gobolka, ayaa isna isla goobta ku dhintay.

Dablayda dilka gaysatay oo aan la garan habtooda ayaa baxsaday.

Magaalada Laascaanood ayaa in dhawaale waxaa lagu dilay ama lagu dhaawacay tiro madax ah oo ka tirsanaa maamulka Somaliland.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir. http://daljir.com/

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *