Gen. Yusuf Axmed Khayr oo sheegay in ciidanka Puntland ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii Galgala.


Bossaso, May 20 – Wasiirka amniga ee Puntland ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee deegaanada Puntland, sida dilalka qorshaysan ee ka dhaca magaalooyinka halbawlaha u ah Puntland, dagaalkii Galgala, iyo arrimo kale oo la xidhiidha dhinaca nabadgalyada.

Gen. Yuusuf Axmed Khayr oo waraysi gaar ah siinayey idaacada Daljir ayaa sheegay in dawlada Puntland ay juhdi tira badan kubixinayso sidii looga gudbi lahaa falalka amni darro, iyo dilalka qorshaysan ee lagu khaarajinayo biri-ma-geydhada Puntland, si gaar ah wasiirku waxaa uu carabka ugu dhuftay dilalka micnadarada ah ee la xidhiidha aanooyinka qabiilka, kuwaasi oo muddooyinkii danbe kusoo batay magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Wasiirku waxaa uu tilmaamay in ay odayaasha dhaqanka kala shaqaynayaan sidii dadka reer Puntland uga gudbi lahaayeen falalka la halmaala aanooyinka qabiilka oo uu sheegay in reer Puntland ay ku noqdeen nabar aan dawo lahayn.

Waxaa uu soo hadal qaaday dagaaladii dhawaan ka dhacay Galgala gaar ahaan weerar gaadmo ahaa halkaasi lagu qaaday fariisin ciidanka daraawiishtu ku lahaa, waxaana uu shaaca ka qaaday in ciidamada Puntland ay weli kusugan yihiin goobahoodii, inkasta oo wasiirku uu ka gaabsaday jawaabta su’aal kusaabsanayd in ciidankii Puntland ee fariisaka Galgala ku lahaa ay dib uga gurteen.

Mar wasiirka la weydiiyey waxa uu ka og yahay warar sheegaya in arrimaha Galgala ay Somaliland wax ka ogtahay ayaa arintaasi ka gaabsaday; “wax faalo ah hada kama bixinayo arintaasi” ayaa yiri, “balse sida aad u maqasheen u haysta” ayaa uu ku daray.

Puntland oo ahaan jirtay dhul nabdoon ayaa waxaa in dhawaale la soo darsay dilal, falal-dambiyeedyo, iyo jaah-wareer siyaasadeed oo khatar galiyanaya nolosha mujtamaca ku nool, welina aan xal waara laga gaarin, walow dedaalo xakamayneed ay ka socdaan.

Madaxda dawlada ayaa ku celceliya in ay gacan bir ah ku qabanayaan amniga, inkasta oo weli ay dhacayaan dilalka iyo falalka naxdin leh.

Khadar C. Ismaaciil
Idaacada Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com