Guddiga ka hortagga COVID-19 oo Shir xasaasi ah yeeshay

HomeWararka

Guddiga ka hortagga COVID-19 oo Shir xasaasi ah yeeshay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID19,kaas oo inta

Taxanihii 2aad oo ay warbaahinta Daljir ka diyaarisay beeraha Doolow iyo wax-soosaarkooda (daawo)
Daawo: Guddiga Taakulaynta Ciidanka Qaranka:“ Ciidamadda Hala Garab istaago ,Dadaalku Waa Socdaa “
Qalbidhagax oo gaaray Qardho (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID19,kaas oo inta badan looga hadlo Arrimaha ka hortaga Coronavirus.

Kulanka Guddiga ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta barnaamijyada wacyi-gelinta ee bulshada lagu fahamsiinayo qatarta, sida looga gaashaaman Karoonaha & yarynta faafitaankiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kula dardaarmay Xubnaha Guddiga inay xoojiyaan howlaha ka hortaga COVID19, isla markaana tallaaba kasta oo looga hortagayo ay fuliyaan.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa ay shaacisay 62 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysa 390 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus ee Soomaaliya

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: