Soomaali ku xayirnaa Turkiga oo xalay Muqdisho laga soo dajiyeey

HomeWararka

Soomaali ku xayirnaa Turkiga oo xalay Muqdisho laga soo dajiyeey

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa xalay kasoo degtay Diyaaradda Turkish Airways taas oo keentay dad ku xayirnaa Gudaha dalk

Ciidankii Ahlu Suna oo Isaga baxay deegaanka Ceel-Dheere
RW Rooble oo Garbahaarey booqasho ku tagay
Guddiga doorashada oo baaq u diray maamul goboleedyada

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa xalay kasoo degtay Diyaaradda Turkish Airways taas oo keentay dad ku xayirnaa Gudaha dalkaasi Turkiga,kadib markii la hakiyey duulimaadyadii Caalamiga ahaa.

Diyaaradda ayaa keentay dad tiro ahaan lagu sheegay 58 qof oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Dad Shacab ah oo muddo ku xayirnaa dalkaas.

Weli waxaa jira Soomaali kale oo ku xayiran Gudaha Magaalooyin kamid ah dalka Turkiga,kuwaas oo saameyn uu ku yeeshay joojintii duulimaadyada sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Amb. Jaamac Caydiid ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga dadaalka ay ku bixisay in dadkaasi dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

Dhanka kale Diyaaradda Turkish Airways ayaa isla xalay waxaa ay Muqdisho ka qaaday dad ù badan muwaadiniin Turki ah iyo Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la sheegay in uu u baxay howlo Caafimaad.

Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan inay jiraan Soomaali farabadan oo ku xayiran dalalka Kenya,Turkiga iyo Imaaraadka,kuwaas oo la filayo in iyana diyaarado gaar ah ay Muqdisho Keenaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: