Guddiga doorashada oo baaq u diray maamul goboleedyada

HomeWararka

Guddiga doorashada oo baaq u diray maamul goboleedyada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa bogaadinayay guddiyada doorashooyinka ee Soomaliland iyo Galmudug oo ku bilaabay doorasha

Madaxweynaha Puntland: ” Boosaaso dumar bastoolado sita ayaa dadkii dhibay (Daawo)
Cumar Cabdirashiid: “Heshiiska Dekedda Berbera xukuumaddayda ma saxiixin”
Beyle oo ka hadlay ka hortaga daabicista lacagta shiling Somaaliga

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa bogaadinayay guddiyada doorashooyinka ee Soomaliland iyo Galmudug oo ku bilaabay doorashada kuraasta Golaha Shacabka waqtigii loogu talagalay.

Guddiyada ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay ku wargalinayaan guddiyada doorashada maamullada aysan weli ka bilaaban doorashadu in ay dadejiyaan Doorashada Golaha Shacabka ee BFS. Sida jadwalka dorashada ee uu GHDHF shaaciyey ku cad doorashadu waxay bilaabanaysay 16-kii Noofeembar, iyada oo ku dhamanaysa 24-ka Diseembar 2021.

“Haddaba annaga oo aragna duruufaha adag ee uu dalku marayo ee dhinaca siyaasaadda, abaaraha iyo dhaqaalaha ayan waxaa lagama maarmaan ah in doorashada la dardargeliyo, laguna soo dhamaystiro xildhibaanada Golaha Shacabka waqtiga loo qabtay, si xooggeenna iyo nidaamkeenna aan ugu midayno dhinacyada u baahan wax ka qabashada degdegga ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay guddiga.

Warka guddiga ayaa intaasi kusii daray “Guddigu waxa kale oo uu dhammaan guddiyada doorashada ku dhiirigelinayaa in sida heshiiskii doorashadu ku caddeyd la ilaaliyo qoondada haweenka ee 30%, ayna soo saaraan liiska kuraasta loo asteeyey in ay haweenka ku tartamaan, taasoo qayb ka ahayd hannaanka doorashada dadban ee heshiiskii madasha Qaranka Waxaa guul ah in 54 xubnood oo Golaha Baarlamaanka Aqalka Sare ay inoo dhamaystiran yihin, iyada oo illaa hadda Golaha Shacabkana 2 xubnood la doortay, halka la filayo todobaadkaan nagu soo socda in xubno dheeraad ahi soo baxaan. Ugu danbayn, waxaan u mahadcelinaynaa bulshada Soomaaliyeed, saaxiibada beesha caalamka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay in doorashadu dhaqaaqdo”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: